Kooxda Wasaaradda Macdanta Iyo Tamarta Oo Ku Guuleysatay Tartankii Kubadda Koleyga Bisha Ramadaan Ee Garroonka Tima-cade
Hargaysa 05.July 2016 (SDN/QJ):-Waxa habeenkii xalay la soo gaba-gabeeyay tartankii kubadda koleyga bisha Ramadaan ee ka socday garroonka Timacade, waxaana koobkii tartankaas ku guuleystay kooxda ku ciyaaraysay wasaaradda Macdanta iyo Tamarta, kadib markii ay ka guuleysatay kooxda dhigeeda ee NEGAAD. Tartankan oo uu qabtay Xidhiidhka Kubadda Koleyga Somaliland oo kaashanaya Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, halka…
