18 Sanno ka Hor iyo Heerkii uu Taagnaa Xoriyad Qawlka Somaliland Wargayska Jamhuuriya oo Markhaati u qabsaday Taliyihii Ciidanka Booliska ee Xiligaas Iyo Dhacdooyinkii La Yaabka lahaa ee Maxkamadu ka Garnaqday DAAWO

Hargaysa 30.Sep 2016 (SDN/QJ):- Ku Sinaan Mudo 18 Sanno ah oo Ku Beegmaysa 1998kii ayay ahayd Markii Xukuumadii Alle ha u Naxariistee Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal ay Albaabada u Laabtay Xaruntii Madbacada ee NPP ee Soo Saari Jirtay Wargayska Jamhuuriya oo Ka Mid ahaa Foolaadkii Warbaahinta Madaxa Bannaan ee Somaliland.

Read More

Taxanihii Qisaska Nolosha Iyo Tusmadii Xusuus Qor Dhakhtar-Ilkood ‘’Abaal Hooyo Lama Gudi Karo”’ Kala Soco Qurbejoog DAAWO

Hargaysa 30.Sep 2016 (SDN/QJ):- Waa Qormadii Taxanaha ahayd ee Xusuus Dhakhtar Ilkood oo ay inoo Soo diyaariso Drs Hibaaq C.raxmaan Buubaal oo ah Dhakhtarad Aqoon durugsan u leh Xanuunada Ilkaha kana Shaqaysa Magaalada Hargaysa. Waxay Taxanahan inoogu soo bandhigaysaa Khibrad ay ka heshay Mudadii ay ka shaqaynaysay Mihnada dhakhtarnimo,Waxaana si Joogto ah Taxanahan idiinku soo…

Read More

Labada Safiir ee Turkiga iyo Jabuuti u Fadhiya Magaalada Hargaysa oo sheegay inay ka shaqaynayaan Aqoonsiga Somaliland DAAWO

“Joogitaankayaga Somaliland  wuxuu ka dhigan yahay waa Aqoonsi doon”  Hargaysa 30, September, 2016-(SDN/QJ):-Safiirada dalalka Jabuuti iyo Turkiga u jooga Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxa kasoo yeedhay hadallo muujinaaya inay Somaliland aqoonsadeen, hadalladaasi oo yididiilo xooggan galinaaya muwaadiniinta Somaliland oo iyagu in badan naawilaayay ictiraaf ay adduunyada ka helaan. Safiiradan oo wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland magaalada Hargeysa…

Read More

Murashax Iyo Madaxweynihii Hore ee Somalia Sh.Shariif Sheekh Axmed oo Shaaciyey Qorshaha Cusub ee Wada Hadal Somaliland Dhexmari doona DAAWO

Muqdisho 30.Sep 2016 (SDN/QJ):- Madaxwaynihii hore Somalia ahna musharax u taagan jagada Madaxwaynenimo ee dalkaasi Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa sheegay qorshaha oo wada hadalka ula sii wadi doono Somaliland haddii uu xilka madaxwayne nimo ka qabto dalka Somalia. Sh.Shariif Sh. Axmed ayaa sheegay in Somaliland tabasho qabto,waxaana loo baahan yahay in tabashadooda laga wada…

Read More

“Somaliland Arrinteedu Way Caddahay inay isku Aragto Dal Madaxbannaan” Wakiilka Xoghayaha Guud ee Q. Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Mr. Michael Keating DAAWO

New York 30.Sep 2016 (SDN/QJ):- Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Michael Keating, ayaa ka hadlay qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, halka uu sidoo kale ka digay in mar kale muddo-kordhin loo sameeyo xukuumadda Muqdisho oo hadda doorashada dadban ee Soomaaliya dib loo dhigay muddo bil ah. Ergeyga Gaarka ah ee…

Read More

“Dalku Wuxuu u Baahan yahay Madaxweyne iyo Raysal-wasaare Waayo Madaxweyne kuxigeenka awood malaha” Xildhibaan Axmed yaasiin DAAWO

Hargaysa 30.Sep 2016 (SDN/QJ):- Xildhibbaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa ka dhawaajiyey in aan madaxweyne ku xigeenimada Somaliland aanay lahayn wax awood ah isla mar ahaantanaa uu u baahan yahay in la sameeyo Raysal Wasaare. https://www.youtube.com/watch?v=QYjASicfzXU&feature=share

Read More

Mus-Dambeedka Xisbiga Waddani Oo Diiradda Ku Haya Siyaasigii Hanan Lahaa Kursiga Guddoomiyaha Waddani Cirro Dabadii, Doorka Mansabkaasi Ee Shaxda Siyaasadeed Ee Mustaqbalka Iyo Siyaasiyiinta Illaa Hadda U Hanqal Taagaya

Hargaysa 30.Sep 2016 (SDN/QJ):- Tan iyo In Muddo ah waxa su’aalo kala duwani ka taagnaayeen bal cidda hanan doonta kursiga Xilka Guddoomiyenimo ee xisbiga WADDANI, Guddoomiye Cirro dabadii, haddiiba uu xilkaasi wareejiyo iyada oo ay hore u soo shaac baxeen xogo tibaaxayay in Guddoomiye Cirro iyo Mus-dambeedka Xisbiga WADDANI marar badan ka wada xaajoodeen mustaqbalka…

Read More

“Waxaan Ballan ku Qaadayaa inaan la Maqal Muuse Biixi oo Somaliland Madaxweyne ka ah, haddii aniga ay igaba adkaadaan Ninka burburin doonaa iyagana waa aniga…” Jamaal Cali Xuseen DAAWO

Hargaysa 30.Sep 2016 (SDN/QJ):- Musharraxa u taagan Jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa si adag ugu hanjabay Guddoomiyeyaasha Xisbiyada KULMIYE iyo UCID Muuse Biixi iyo Faysal Cali Waraabe oo uu sheegay in haddii ay ku guulaystaan inay Jamaal ahaan ka adkaadaan uu iyagana isagu burburin doono. Jamaal Cali Xuseen Waraysi…

Read More

“Xukunkii Maxkamadda Sare: Anigu Waan ku Diirsaday”Gudoomiye ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Cali Guray.

Hargaysa 30.Sep 2016 (SDN/QJ):- waayo waxa uu si sharci ah u soo af jaray khilaafkii soo jiitamayay mudada dheer ee ku saabsanaa Heshiiskii Bedbaadinta UCID ee ay wada galeen Xisbiga UCID oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Xisbiga Faysal Cali Xuseen yo Garabkii Udub ee uu hogaaminayay Musharaxa Xisbiga Jamaal Cali Xuseen.   Marka hore waxan ku…

Read More

Magaalada Xalab ee Dalka Suuriya Waxay u dhimanaysaa ahmiyadeeda darteed DAAWO

Hargaysa 30.Sep 2016 (SDN/QJ):- Waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu qaddiimsan caalamka, waana magaalada labaad ee Suuriya marka laga reebo Caasimada dimishiq, sidoo kalena Xalab waa magaalada ganacsiga ee dalkaasi iyadoo ah ta ay dadka ugu badani ku noo yihiin iyadoo waxii ka horeeyey kacdoonkii carabta ee 2011 hoy u ahaan jirtay illaa 4.5…

Read More

Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ka Hadlay Dhabaha Keliya ee Itoobiya Ku Sii Waari Karto DAAWO

“Dhergigii ayaa Doonaya inay Itoobiya dib u qabsadaan, Mana Aqbalayno..” Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar Jigjiga 30.Sep 2016 (SDN/QJ):- Shacabka iyo Masuuliyiinta dolwad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa Bannaan-bax ballaadhan shalay ka sameeyey magaalada Caasimadda u ah ee Jigjiga, kaasoo ay kaga soo horjeedeen Muddaharaadyada dowladda Federaalka Itoobiya lagaga soo horjeeday ee tan iyo sannadkii hore ku soo…

Read More

Maamulka Dugsiga M.A.Cali Oo 19-Nuqul Oo Kamid Ah Buugga GURRAC Dab Qabadsiiyey ,Wasaaradda Waxbarashada iyo Qoraaga Buuga oo ka Hadlay Dhacdadan DAAWO

Hargaysa 30.Sep 2016 (SDN/QJ):- Maamulka dugsiga Sare ee Maxamuud Axmed Cali, ayaa gebi ahaanba gubay oo dab qabadsiiyey tiro nuqullo kamid ah buugga GURRAC oo dhawaan dugsigaas loogu baaqay, kadib markii la ogaaday inuu xambaarsan yahay waxyaabo akhlaaqda suuban iyo dhaqanka islaamka ka dhan ah. Sida uu xaqiijiyey maamulaha dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali…

Read More

BURCO: Budhcadka Habeenkii Dadka Dhaca oo Dhibaato ku Haya Bulshada iyo Digniinta Maamulka Gobolka Togdheer DAAWO

Burco 30, September, 2016-(SDN/QJ):-Maamulka iyo laamaha amaanka ee Gobolka Togdheer ayaa digniin u diray Dhalinyarta habeenkii shacabka ku dhaca magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer. Kulan ay isku yimaadeen Laamaha amniga Togdheer ayaa waalidiinta looga digay inay caruurtooda kadaba yimaadaan marka lagu qabto falalka Budhcadnimo. HALKAN KA DAAWO FARIIMAHA GUDDOOMIYAHA GOBOLKA

Read More

Mareykanka oo ka hadlay duqeyntii ka dhacday duleedka Magaalada Gaalkacyo DHAGAYSO

Gaalkacayo 30.Sep 2016 (SDN/QJ):- Dawladda Mareykanka ayaa markii ugu horeysay ka hadashay weerar duqeyn ah oo Doraad subixii hore ka dhacay duleedka koonfur bari ee magaalada Gaalkacyo.   Mareykanka ayaa si cad u qirtay in uu geystay weerarkii duqeynta cirka ahayd ee ka dhacday duleedka magaalada Gaalkacyo shalay 28, September, 2016.   Captain Jeff Davis…

Read More

Madaxweynaha Turkiga Oo 3 Bilood Oo Dheeri Ah Ku Daray Mudada uu Dalkiisu ku Sii Jirayo Xaaladda Degdega Ah

Ankara 30.Sep 2016 (SDN/QJ):- Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa meel mariyay in saddex bilood oo dheeri ah lagu daro wakhtiga uu dalku ku sii jirayo xaaladda dagdaga ah. Taladaas lagu kordhinayo wakhtiga xaaladda dagdaga ah waxaa soo jeediyay guddiga ammaanka ee qaranka. Madaxwaynuhu wuxuu sheegay in loo baahday wakhti dheeri ah oo lagu…

Read More