”Nasiib-darro, bulshada Caalamka, gaar ahaan Haya’daha kala duwan ee UN-ta iyo Urrurada Caalamiga ah kamaanu helin kaalmo muuqata iyo gar-gaarkii Gurmadka Abaaraha” Madaxweyne Siilaanyo
Hargaysa 31. January 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta (31.01.2017) Xafiiskiisa ku qaabilay Wefti ballaadhan oo ka socday UN-ta, oo uu hoggaaminayey Peter de Clercq oo ah ku-xigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Qaramada Midoobay ahna isu-duwaha Arrimha Gargaarka Bini’aadanimada iyo Wakiilka haya’dda UNDP-da. Weftigan culus oo ka koobnaa dhammaan Haya’daha UN-ta iyo…
