Xukuumada Wakhtigu Ka Dhamaaday ee Xasan Sheekh oo Meel Marisay Miisaaniyada Sannadkan 2017 Isla Markaana lagu Daray Kharashka Aqalka Sare
Muqdisho 15. February 2017 (SDN/QJ):- Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa yeeshay kulan aan caadi ahayn oo ay kaga doodayeen Miisaaniyadda 2017, iyo ansixinta xisaab-xirkii Miisaaniyaddii 2015. Kulanka waxaa shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte. Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegtay in guddoonka Baarlamaanku ka codsadeen in ay soo diyaariyaan…
