Wefti ay Hogaaminayso Safiirka Denmark u Fadhiya Nairobi oo Socdaal Ku Yimid Caasimadda Somaliland ee Hargaysa Iyo Ujeedadda uu Safarkoodu daaran Yahay DAAWO

Hargaysa 06. April 2017 (SDN/QJ):-Wefti ay Hogaaminayso Safiirka dawlada Denmark u fadhida Magaaladda Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ayaa Maanta Booqasho Ku Yimid Caasimadda Somaliland ee Hargaysa Iyadoo Sheegtay inay Ka Qayb qaadanayaan Gurmadka abaaraha ee dalka ka Taagan. Safiirada ayaa Sheegtay inay ka Xun Yihiin Dib u dhaca Ku Yimid Qabsoomida doorashooyinka Somaliland.

Read More

Kulan Dib-u-eegis Looggu Sameynaayey Barnaamijka Ololaha Doorashada Madaxtooyada ee WADDANI oo Maanta Lagu Soo Gebo-gabeeyey Hargeysa+SAWIRO

Hargaysa 06. April 2017 (SDN/QJ):- Kulan dib-u-eegis looggu sameynaayey barnaamijka olalaha doorashada Madaxtooyada Somaliland ee Xisbiga WADDANI oo muddo lix cisho ah ka socday magaalada Hargeysa isla mar ahaantaana ay ka qeyb-qaadanayeen khabiiro siyaasaddeed oo heer caalami ah oo ka socday dalka Ghana iyo weli ba sida oo kale hay’adda caalamiga ah ee horumarisa arrimaha…

Read More

Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Dhawaaqay Xaalad Dagaal oo Ka Dhan ah Ururka Al Shabaab Isaga Oo Xidhan Dirayska Gaarka u ah Ciidanka SAWIRO

Muqdisho 06. April 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo Warbaahinta kula hadlay xarunta Madaxtooyada isaga oo xiran dareeska Ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa ku dhawaqaay in uu dalku ku jiro xaalad dagaal. Farmaajo oo maanta isbadal weyn ku sameeyay taliyaasha ciidanka qalabka sida ayaa ku dhawaqaay in uu dalka ku jiro xaalad dagaal, waxa uuna…

Read More

Amniga Somaliland Ka Jira Waxa uu Sababay in Dadweynaha Rayidka ahi Xiliga ay Doonaan Habeenkii Socon Karaan Waxaana Tusaale u ah Caasimadda Hargaysa

Hargaysa 06. April 2017 (SDN/QJ):- Somaliland waxay haysataa nabadgalyo Cago adag Ku taagan Way dhacaan Mararka qaar Shilal Sidoo Kale Waxaa Dhaca Tuugo u badan Caruur Hasa Yeeshee Waxay Taas kala siman tahay dunnida inteeda kale. Caasimadda Somaliland ee Hargaysa Waxaad Socon kartaa Xiliyada danbe ee Habeenkii.

Read More

Maayaro Iyo Xildhibaano uu Xisbiga Ucid Dacwad ka Gudbiyey oo Hor Tagay Guddida Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda & Maayarada oo Nidar Ku Galay inay Furi doonaan Dacwad ka Dhan ah Gudoomiye Faysal DAAWO

Hargaysa 06. April 2017 (SDN/QJ):- Guddida Diiwaangelinta Ururadda Siyaasadda Iyo Ansixinta Xisbiyada qaranka ayaa Xaruntooda Magaaladda Hargaysa waxay ugu Yeedheen Maayaradda Magaalooyinka Berbera iyo Gebilay iyo Xildhibaano kale oo Xisbiga Ucid dacwad ka gudbiyey kadib Markii ay Cadeeyeen inay la Midoobeen Xisbiga Kulmiye.

Read More

Xisbiga Kulmiye oo Qaab Jees Jees ah uga Falceliyey Dacwada Xisbiga Ucid ka Gudbiyey Maayaradda Berbera iyo Gebilay DAAWO

Hargaysa 06. April 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Shabeel ayaa Sheegay in aanu wax sii ridan ahayn dacwada uu Xisbiga Ucid ka Gudbiyey Maayaradda Gebilay iyo Berbera iyo Xubno kale oo Xildhibaano ah oo ka soo baxay Xisbiga Ucid Isla  markaana Shaaciyey inay Taageeradoodii iyo Cududoodiiba la galeen Xisbiga Kulmiye. https://www.youtube.com/watch?v=_1lrz5oP9Go

Read More

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka Hadlay Mawqifkiisa Ku aadan Gudi uu Madaxweyne Siilaanyo Musdanbeed uga Dhigayo Komiishanka Doorashooyinka Qaranka DAAWO

Hargaysa 06. April 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa dhawaan Shaaciyey inuu Samayn doono Gudi Mus danbeed u noqota Go’aanada Guddida Doorashooyinka Somaliland Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa ka biyo diiday Samaynta guddidaas maadaama aanay Xeerka Komiishanka ku Xusnayn. https://www.youtube.com/watch?v=H_1QvtSxen8

Read More

Taliyaasha Nabad Sugida ,Milatariga iyo Booliiska Somalia oo xilka laga qaaday iyo Taliyaal cusub oo la magacaabay

Muqdisho 06. April 2017 (SDN/QJ):-Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya oo goordhaw shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa dood dheer kadib ansixiyay in xilka laga qaado Taliyaasha Ciidanka Nabad Sugida , Booliiska iyo Milatariga Soomaaliya iyo magacaabista Taliyaal cusub. Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida ayaa laga qaaday Gen C/Laahi Gaafow Maxamuud waxaana xilkaasi loo magacaabay Xildhibaan C/llaahi Maxamed…

Read More

Hoggaamiyaha WADDANI Oo Is-barbar-dhigay Dhaqaalaha Laga Qaado Dawladaha Saldhigyada Ku Leh Jabuuti & Lacagta Lagu Kireeyey Saldhigga Berbera DAAWO

Hargaysa 06. April 2017 (SDN/QJ):- Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa wax laga waydiiyey sida uu u arko Heshiiska Dawladda Somaliland la saxeexatay Dawladda Imaaraadka Carabta ee Saldhigga Milletariga ee Magaalada Berbera. Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland, Xilligan ah Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa isagoo ku sugan…

Read More

Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Khayraadka Biyaha Somaliland Baashe Cali oo Ka Warbixiyey Xaalada Guud ee Somaliland

Hargaysa 06. April 2017 (SDN/QJ):- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Biyaha Baashe Cali Jaamac, ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay inay isu gurmadaan oo ay tabaaleeyaan dadka ay abaaruhu ku habsadeen. Wasiirkii hore ee Wasaaradda Biyaha Baashe Cali Jaamac, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa wuxuu wareysigu u dhacay sidan: Saldhiga Milatari ee ay Xukuumaddu dalka…

Read More

‘’Ma Jiraan Wax Mashaariic ah oo Aniga Iyo Mas’uuliyiinta Kale ee Wasaaradda Caafimaadku aanu Lunsanay’’ Wasiir Xaglo Toosiye

Hargaysa 06. April 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Saleeban Ciise Axmed (Xagla-toosiye), ayaa beeniyay  warar sheegaya in isaga iyo Masuuliyiin ka tirsan Wasaaraddiisu ay lunsadeen kharashkii mashruuc loogu tagalay TB-da. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Saleeban Ciise Axmed (Xagla-toosiye), oo Wargeyska Geeska Afrika ugu horeyn wax ka weydiiyey wuxuu ka qabo eeddan loo soo jeediyey iyo sida…

Read More

Bacihii Ay Xukuumadda KULMIYE Joojisey Oo Ka Soo Dega Magaalada Saylac iyo Go’aankii Xukuumadda Oo Aan Fulin

Saylac 06. April 2017 (SDN/QJ):- Gaadiidka Waaweyn ee Xamuulka qaada gaar ahaana nooca loo yaqaan 1924-ka oo Sida Shixnad Ganacsiga bacda ah ayaa markii Tobnaad kasoo gudbey Kastamka Cashuuraha Maaliyada ee Degmada Saylac kadib markii si  xor ah loogu soo cashuurey halkaasi iyadoo talaabadanina ka hor imanayso wareegtadii madaxweynuhu ku joojiyey in bacda waddanka lasoo…

Read More

Halis Caafimaad-darro Oo Lagu Sheegay Khudaarta Somaliland Uga Timaadda Dalka Masar Iyo Tirada Dalalka Adduunka Ee Hore U Mabnuucay

Hargaysa 06. April 2017 (SDN/QJ):- Suuqyada Magaalooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si weyn loogu iibiyaan badeecado kala duwan oo dhamaantood laga keeno dalka Masar, xilli muddooyinkii u dambeeyey wadammo badan oo dunnida ka tirsan mamuuceen in loo iib-geeyo halis caafimaad oo ku lamaan awgeed. Badeecadahan halista caafimaad lagu sheegay ee laga keeno dalka Masar, isla markaana…

Read More

Puntland Oo Ka Hadashay Lacag Aan La Shaacin Oo Dawladda Muqdisho U Qaybisay Somaliland Iyo Maamullada Dalka Soomaaliya

Garoowe 06. April 2017 (SDN/QJ):- Maamul-gobolleedka Puntland, ayaa Dawladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in aanay sidii loogu talo-galay u qaybin Deeq Lacag ah oo loogu talo-galay Gurmadka Abaaraha ka jira Dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland. Madaxweyne ku-xigeenka Maamul-gobolleedka Puntland Eng. Cabdixakiin Camay ayaa sheegay in Dawladda Federaalka Soomaaliya…

Read More

36 Guuradii ka Soo Wareegtay Ku Dhawaaqistii Ururkii SNM Dagaalo Mahadho reebay oo Taliskii Siyaad barre la Galay{DHAGAYSO Barnaamij Gaar ah oo Qurbejoog idiin diyaarisay}

Hargaysa 06,April 2016 (SDN/QJ)- Waa Maalin Xus iyo Xusuusba ku leh,Waa Maalintii Magaalada London ee dalka Ingiriiska lagaga dhawaaqay Ururkii dhaqdhaqaaqa Waddaniga Somaliyeed ee SNM 6 april 1981kii. Waa Dharaarta Dhashay Maalmo badan oo amranaa oo Halgankii hubaysnaa ee dib u xoraynta dalka lagu jiray Waa Maalinta Sababta u ahayd dhicitaankii Siyaad bare. Shabakada Qurbejoog.com…

Read More