Wiil uu Dhalay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo Dabayaaqadii Sannadkii Tegay Ku Dhintay Dalka Suuriya Kadib Markii ay Duufsadeen Kooxaha Argagixisadu & Dareenka Aabihii!! DAAWO

Hargaysa 14. January 2018 (SDN/QJ):-Eng Faysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID ee Somaliland, ayaa sheegay in sanadkii iminka uun dhamaaday ee 2017 lagu diley dalka Suuriya wiil uu dhalay. Sayid Xuseen Faysal Cali Waraabe ayaa suuriya tegey sanadkii 2013-kii, ka dib markii la duufsaday oo warbixin khalad ah la siiyey…

Read More

Maamul Goboleedka Somaaliyeed ee Punt land oo Shaaciyey Dagaal ka dhan ah Somaliland & Weedho Colaadeed oo ay u Direen Xukuumadda Somaliland DAAWO

Garowe 14. January 2018 (SDN/QJ):-Todobaadkii tegay ayay ahayd Markii Ciidamadda Qaranka Somaliland ay Qabsadeen Degmadda Tuko-raq ee Gobolka Sool,Degmadan ayaa markii hore fadhiisin u ahayd Ciidamo ka tirsan kuwa Maamul Goboleedka Soomaliyeed ee Punt land. Hadaba Mas’uuliyiin ka tirsan dawlad goboleedka Punt land ayaa Maanta ku baaqay dagaal ka dhan ah Somaliland waxay sheegeen in aanay…

Read More

Xukuumadda Somaliland oo Sheegtay in Mas’uul Kasta oo Dawladeed aanu adeegsan doonin Warbaahinta Gaarka ah Taas badalkeedana ay adeegsan doonaan Warbaahinta Dawladda DAAWO

Hargaysa 14. January 2018 (SDN/QJ):-Wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri Barwaaqo) ayaa Maanta golaha wakiillada u sheegay in ay isla garteen in madaxda dawladdu adeegsato warbaahinta xukumadda “Wasaaradda warfaafintu waxay noqon doonta mid isku xidha goleyaasha, wasaaraddaha iyo dawladda, waxaanu isla garanay ama noo qorshaysan in aanay madaxda dawladdu heerka ay doonan ba ha ahaadaane…

Read More

‘’Nin ayaa igu Yidhi Abti ayuun-baad I leedahay ee Xageed Abti iga noqotay Waxaan ku idhi Wiilka Habar Yoonis ee Jeegaantu dhashay Waxaan u ahay Abti’’ Suldaan Xasan Suldaan C.laahi Suldaan C.raxmaan DAAWO

Hargaysa 14. January 2018 (SDN/QJ):-Suldaan Xasan Suldaan C.laahi Suldaan C.raxmaan oo ka hadlayay Madal dhaqan oo lagu Caleemo saarayay Ugaas Cusub oo ku soo biiray Madaxda Dhaqanka Somaliland ayaa soo xoqay boogihii ka dhashay doorashadii Madaxtooyadda Somaliland ee kala qaybisay Ummada somaliland.

Read More

Xisbiga Ucid oo Shaaciyey in Musuq Maasuq Baahsani uu Ka Jiro Wasaaradda Warfaafinta & Jawaabta Wasaaradda DAAWO

Hargaysa 13. January 2018 (SDN/QJ):-Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga Ucid oo Shir jaraa’id maanta ku qabtay Xafiiskiisa ayaa cadeeyay in Musuq Maasuq baahsani uu ka taagan yahay Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Waxaanu xusay inay Jiraan dad ka dhiigaysatay hantida qaranka Isla Markaana Caddaadis ku haya Shaqaalaha Wasaaradaasi. Dhanka Kale Xasan Maxamed Yuusuf oo…

Read More

‘’Arrinta Iminka Jirtaa waxa weeye ilaa Afar Gobol oo Somalia Goboladeeda ka tirsan ayaa Ciidamadii laga soo qaaday Waxaana la soo dul dhigay Ciidanka Somaliland’’ Wasiirka Arrimaha Gudaha S.land DAAWO

Hargaysa 13. January 2018 (SDN/QJ):-Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa ka warbixiyay Xaalada Guud Xuduuda Bariga JSL, Halkaaso Maalmahii u Dambeeyay ay Maamul goboleedka Puntland ka wadeen Xaalad Abuur iyo Farogalin dhanka Xuduuda ah. https://www.youtube.com/watch?v=Dy6qlxhRVq8

Read More

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo Maanta Magacaabay Afar Agaasime oo ka Mid ah Hay’adaha Dawladda

Hargaysa 13. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/WM/222-22/012018, uu ku magacaabay Afar Agaasime.   Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-      Magacaabid Markaan Arkay:               Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafka (kh);   Markaan Arkay:                   Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;   Markaan ku Qancay:          In ay Hanan…

Read More

Ku Xigeenka Madaxweynaha Somaliland oo Daboolka ka Qaaday in Madaxweyne Muuse Biixi uu Daaqada ka saarayo La Taliyeyaasha Tirada badan ee Wasaaradaha Dawladda una Aqoonsaday Mid dad gaar ah Lagu Naas-nuujiyo DAAWO

Hargaysa 11. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa go’aamiyey in la yareeyo tirada badan ee La taliyeyaasha ay Wasaaradaha dawladu qortaan taas oo uu ku sifeeyay mid lagu naas nuujinayo dadkaas. Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici ayaa sidaas ka sheegay kulan lagaga hadlayay kor u qaadista wax…

Read More

‘’Muuse Biixi waa Siyaasi weyn oo Nabad doon ah, Somaliland-na Duulan Kuma Ah Dhul Ay Puntland Leedahay’’ Wasiirka Waxbarashadda oo u Jawaabay C.laahi Cukuse DAAWO

Hargaysa 11. January 2018 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska Prof Yaasiin Xaaji Maxamud Xiir Faratoon ayaa ka Jawaabay Hadal duur xul siyaasadeed ah oo Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ku ganay Madaxweyne Muuse Biixi. Wasiir Faratoon oo hadalka uga danbeeyay C.laahi Cukuse ayaa isagoo daba jooga weedhihiisa waxa…

Read More

“Waxaan Doonayaa In Aan Xasuusiyo Reer Punt-land Iyo Cabdiwali Gaas Imika Madaxwaynahayagu Waa Janan… Qaladii Shicibka Ahayd…” Ex Wasiir Cukuse DAAWO

Hargaysa 11. January 2018 (SDN/QJ):-Wasiirkii hore ee Xanaanada Xoolaha Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir “Cukuse” oo maanta ka hadlayay Munaasibad Qaddo sharaf ah oo  loo sameeyay Bille Rafle Guuleed  ayaa waxaa uu ka hadlay xaalada Colaadeed ee ka taagan Tuka-raq waxaanu fariin hawadda u mariyay maamulka Putland isagoo  sheegay in Madaxwaynaha Imika Somaliland  xukumaa  in…

Read More

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Soo Bandhigay Qaabka Ay U Bilaabayaan Ansixinta Wasiirada Cusub Ee Xukuumada DAAWO

Hargaysa 11. January 2018 (SDN/QJ):-Golaha Wakiilada Somaliland ayaa soo bandhigay qaabka ay u ansixin doonaan Wasiirada cusub ee Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Xoghayaha golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa sheegay in guddiyadii loo xil saaray ay shir gudoonka soo gaadhsiiyeen xogtii Wasiirada cusub, kuwaas oo ansixintoodu bilaabmi doono maalinta sabtida ah.

Read More

Qoraa Boobe Yusuf Ducaale Oo Jawaab Adag Ka Biixiyey Hadalkii Ka Soo Yeedhay Madaxwaynaha Maamulka Puntland,Eedaymo uu u Jeediyey Madaxweyne Farmaajo Iyo Aragtidiisa Xaalada Degaanka Tuko-raq ee Gobolka Sool DAAWO

Hargaysa 11. January 2018 (SDN/QJ):-Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland ayaa markii kowaad waxa uu ka hadlay xaalada deegaanka Tuko-raq waxaanu eedayn xoogan u soo jeediyey Maamulka taagta daran ee Somalia oo uu sheegay inay is diidsiinayaan waaqaca hortooda yaala.

Read More

Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland Oo Balan Ku Qaaday Inuu Fulin Doono Qodobada Ka Soo Baxay Shirka Aqoonyahanka DAAWO

Hargaysa 11. January 2018 (SDN/QJ):-Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed oo maanta ka hadlayay Shir ay Wasaaradiisu soo agaasintay oo lagaga hadlayay Sidii Somaliland u gaadhi lahayd isku filnaansho dhanka cuntada ah ayaa balanqaaday inuu si rasmi ah u fulin doono qodobada talooyinka ah ee ay soo Jeediyeen Khubaradii Shirkaas ka qayb qaadanayay.

Read More