Gurmadka Ha Lagu Daro Wax ka Qabashada Masiibo-ka-Macaashka (Profiteering)
Dhulalka miyiga ee abaaruhu ka jiraan dadku biyo iyo baad wixii ay hayeen waxay la wadaagayaan dadkooda kasii daran ee kusoo hayaamay. Waxa weli nool dhaqankii wax isa siinta iyo is-gacan qabashada marka aafo timaaddo. Dhinaca magaalooyinku inta badan ganacsatadu waxay iyagu ku mashquulsan yihiin sidii ay macaash badan uga sameyn lahaayeen masiibadaa abaaraha iyo…
