Washington:Mar,09,2015(SDN/QJ)-Sida ka Muuqata warbixin dheer oo kasoo baxday shirkadda caalamiga ah ee Ganacsiga hubka (Global Defense Trade Report), waxa uu dalka Sucuudigu Kaalinta Koowaad ka Galay dalalka ugu iibsiga Badan Hubka.
Warbixintani waxa ay sheegaysaa in Sucuudigu Sanadkii dhamaaday ee 2014-kii ay iibsadeen Saanadii Militeri ee ugu badnayd, waxana ay ka hormareen Dalalka awooddaha Nuclierka leh sida Chine iyo India oo kala galay kaalmaha labaad iyo saddexaad.
Dhanka dalka Israel ayaa namabrka 7-aad ka galay dalalka hubka ugu badan iibiya.
Khabiir ku takhasusay arimaha difaaca iyo amniga ayaa sheegay inaanu is dhimi doonin iibsiga hubka ee dawlada Sacuudiga.Waxaana la sheegay in 7 doolar ee hub lagu iibiyo caalamka uu doolar kamid ah kayimid dalka Sacuudiga.
Waxaa sidoo kale la sheegay in dawlada Sacuudigu ay 52%($9.8 bilyan miisaaniyadeeda ku soo iibsato agab militari iyadoo arintan sabab looga dhigay iyadoo aad uga walaacsan dalka Iran oo saameyn balaadhan ku yeeshay dawlado deris la ah Sacuudiga sida Suuriya,Yemen iyo Ciraaq.
Dhanka kale Bariga dhexe ayaa la sheegay inuu yahay suuqa ugu weyn ee loo iibgeeyo hubka.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
