Uncategorized

Ucid Oo Go’aan Gaar u ah Kusoo Dhaweysay Dibudhaca Doorashada Iyo Midnimadii Mucaaridka Oo Sii Wiiqmaysa

Hargeysa:Mar,10,2015(SDN/QJ)-Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka Ucid, ayaa si gaar ah usoo dhaweeyey Dibudhaca ku Yimi Doorashooyinkii dalka ka qorshaysanaa Dhamaadka Bisha lixaad ee Sanadkan oo shalay Komishanku caddeeyeen.

cali gureyWar-murtiyeed uu ku saxeexan yahay Ku-simaha Guddoomiyaha Ucid Cali Maxamed Yuusuf (gurey), ayaa lagu caddeeyey inuu xisbigu soo dhaweynayo Dhawaaqa Komishanka eek u saabsan dibu dhaca Doorashada, waxana ay shacabka u muujiyeen inay arrintaasi muhiim tahay.

Dhawaaqa Xisbiga Ucid, ayaa ka duwan midka haatan ee Xisbiga Ucid iyo Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta oo iyagu dhawaan ku dhawaaqay isbahaysi u gaar ah, waxana tallaabada ucid Qaaday loo arkaa mid wiiqi karta heshiishkii isbahaysigaas lagu aasaasay.

War-murtiyeedka Ucid soo saartay ayaa sidatan u dhignaa:

Komishanka Doorashooyinku waxay manta soo saareen Qorshe Hawleedkii Diiwaangelinta Codbixiyaha oo ay ku cadahay inu liiska kama dambaysta ah ee codbixiyaasha doorashoonka Madaxtooyada iyo Wakiiladu ay soo saari doonaan hadii Alleh yidhaa 31ka Bisha November ee sanadkan.

Hadaba xisbiga UCID wuxu hore shacbiga Somaliland ugu sheegay in aanay doorashadu ku qabsoomayn wakhtigii loogu talogalay oo ahaa 26ka June, in kasta oo Madaxwanaha iyo xukuumadiisu ay mar walba ku celcelinayeen inay doorashadu wakhtigeedii ku qabsoomayso been cadna ay dadka u sheegayeen. Waxa ilaahay mahadii ah in Qorshe Hawleedka Komishanku soo saaray uu u marag furay xisbiga UCID.

Qorshe Hawleedkan Komishanka Doorashadu maaha wax kedis ku ah Xisbiyada Qaranka iyo xukuumadda midna ee wuxu ku yimi wada tashi iyo kulamo joogto ah iyo weliba wada shaqaynta wanaagsan ee ka dhaxaysay Komishanka iyo Xisbiyada Qaranka.

Sidaa daraadeed Xisbiga UCID wuu soo dhawaynayaa go’aanka Komishanka iyo Qorshe Hawleedka ay soo saareen isaga oo tixgelinaya marxaladda xasaasiga ah ee dalku marayo iyo duruufaha adadag eek u xeeran guud ahaan suurtogal nimada doorashooyin xor iyo xalaal ah.

 

WA BILAAHI TAWFIIQ

 

Cali Maxamed Yussuf( Caligurey)

Ku simaha Gudoomiyaha

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com