Muqdisho:Mar,11,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda waddanka Somalia ee Federal-ka ah, ayaa markii ugu horraysay ka Hadashay Xadhiga loo geystay Saraakiil ciidanka katirsan oo lagu tuhmay inay kulug lahaayeen Weerarkii lagu qaaday Hutel SYL ee magaalada Muqdisho.
Saraakiishan oo xadhigooda si weyn loo hadalhayo, ayaa ku Jira Xabsiga Magaalada Muqdisho, waxana ay iskugu jiraan Boliska iyo Nabadsugidda Waddanka.
Kuxigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Abuukar oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay ayaa sheegay in ilaa 11-ruux oo saraakiil iyo ciidan isugu jira ay weerarkaas u xidhan yihiin, kuwaasoo lagu tuhmayo inay fududeeyeen ama ay wax ka ogaayeen weerarkaas.
Waxaa uu sheegay in saraakiisha loo xidhay weerarkaas loo gudbiyay Xabsiga dhexe, waxaana uu tilmaamay in dhowaan maxkamada ku shaqada laheyd howshaas ay qaadi doonto.
“11 Sarkaal iyo ciidan isugu jira oo fal dambiyeedkaas lagu tuhumayo ayaa xidhan, xabsiga dhexe ayayna ku jiraan, baadhitaanka mar dhow ayaa la soo gaba gabeyn doonaa, halkan waxaa ila jooga Xeer Ilaaliyaha Maxkamada ciidamada qalabka iyo guddigii baarayay”ayuu yidhi Kuxigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dadka la soo xidhay aan la dhihi karin dambiilayaal, balse ay Maxkamada ku cadeyn karto dambi, isagoo xusay in wali arrintan ay tahay mid tuhun ah oo raggaas lagu tuhmayo, isla markaana ay socoto baadhitaan.
Weerarkii lagu qaaday Hotel SYL oo ku dhow Madaxtooyada ayaa waxaa Mas’uuliyadiisa sheegtay Al-Shabaab, iyadoo weerarkaas uu dhacay xilligii lagu guda jiray diyaar garowgii soo dhoweynta wafdigii uu hogaaminayay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan.
SDN/QJ
