Jowhar:Mar,11,2015(SDN/QJ)-Waxa soo baxaya faahfaahinta qarax xalay fiidkii hore lagu qaaday Magaalada Jowhar, iyadoo qaraxaas lagu qaaday ciidamo ammaanka sugayey oo halkaas ku sugnaa.
Sida ay sheegayaan wararka ciidamo ka tirsan Nabadsugida oo saarnaa gaadiid ayaa lagu tuuray bam gacmeed, iyadoo kadib ay ciidamadu fureen rasaas.
Goob jooge ku sugnaa halka qaraxa ka dhacay oo aheyd Xaafada Hantiwadaag, gaar ahaan dhinaca Geelow-Jaw ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen afar ruux oo saddex ka mid ah ay haween ahaayeen, qofka kale uu wiil yar ahaa.
Ciidamada Nabadsugida ayaa kadib howl gal ka sameeyay halka qaraxa ka dhacay, iyagoo xaafadaha ka soo qabtay tiro dad ah, iyadoo qaraxa markii dambe uu kala eryay dadkii fiidsanayay ee ku sugnaa laamiga.
Goobaha ganacsiga ayaa gebi ahaanba ahaa mid la xiray, dadkuna ay durbaba guryahooda ku kala carareen, si aan howl galka loogu qaban.
Xaafada Hantiwadaag ayaa markii dambe iskeed bandow isaga gashay, markii ciidamo fara badan ay soo buuxiyeen xaafada, iyadoo mararka qaar la maqlayay rasaas.
Ma aha markii u horeysay ee qarax bambaano lagu weeraro ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugan Jowhar, hase ahaatee qaraxan ayaa ku soo beegmaya, iyadoo dhowaan ciidamo cusub oo Nabadsugida ka tirsan la geeyay magaalada Jowhar.
SDN/QJ
