Muqdisho:Mar,12,2015(SDN/QJ)-Xalay Fiidkii hore ayaa qarax gaadhi loo adeegsaday uu ka dhacay Dhabarka dambe ee Hutel Makkah Al-mukaramah, waxana soo baxaysa Faahfaahin dheeri ah oo qaraxaas la xidhiidha.
Wararka soo baxaya, ayaa sheegay in qaraxaasi uu dhacay ka hor intii aan kooxdii wadday ugu talogelin, waxana ciidanka ammaanka Hutelka ku shaqada lihi ay isku dayeen inay joojiyaan Baabuurkaas, daqiiqado kadibna waa uu qarxay xilli ay ka dageen raggii saarnaa.
Milkiilaha Hotelka Maka Al Mukarama Gurey Xaaji Xasan, ayaa sheegay Warbaahinta u sheegay in kooxdii gaadhigan wadatay isku dayeeen inay dhigaan Dhabarka dambe ee Hutel, balse ay rasaasi ka timi kooxdii gaadhina saarnayd.
Waxa uu intaa ku daray in labada dhinac rasaas isweydaarsadeen, isla-markaana ay raggaasi ka carareen gaadhiga, ayna xigtay in uu qarxo gaadhigu.
Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir General Mukhtaar Xuseen Afrax, ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen mid ka mid ah raggii gaadhigaasi la socday.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliya Qaasim Axmed Rooble, ayaa isna sheegay inay jiraan laba nin oo kale oo la soo xidhay, xilli ay doonayeen inay fakiyaan ninkaasi, sida uu sheegay.
General Afrax, ayaa BBC u sheegay inay wadaan baadhitaano la xidhiidha qaraxaasi, dibna ay ka soo faah faahin doonaan, wixii natiijo ah ee baadhitaanada ka soo baxa.
Ilaa saddex nin oo watay gaadhi Kaarib ah, ayaa la rumeysan yahay inay ka dambeeyeen qaraxa gaadhiga loo adeegsaday. Waxaana goor sii horeysay soo shaac baxday inay baxsadeen raggaasi, iyagoo u cararay dhinaca xaafada Siigaale ee Degmada Hodan.
Dhanka kale ugu yaraan laba ruux, ayaa la xaqiijiyay inay qaraxaasi ku dhaawacantay, waxaana la dhigay Isbitaalka Madiina. Sidoo kale waxaa jira warar kale oo sheegaya in khasaaruhu uu intaa ka badan yahay, balse aan la xaqiijin.
SDN/QJ
