Uncategorized

Hanti-lunsiga Wiilka Madaxweyne Siilaanyo Soddogga u Yahay Oo Warbaahinta Caalamiga ahi Wax Ka Qortay

Hargeysa:Mar,12,2015(SDN/QJ)-Hanti-luntilunsiga uu ku Foogan Yahay Baashe Cawil(baashe morgan) oo ah Wiil uu madaxweyne Siilaanyo Soddog u yahay, ayaa gaadhay Heer Warbaahinta Caalamiga ahi Si weyn wax uga qorto.

moorWarbixintii ugu dambaysay ee Wiilkan Madaxtooyada Somaliland Dhex deggen ku saabsan, ayaa waxa  qoray Wargeyska The Indian Ocean, kaas oo baahiyey in Wiilkani uu Hanti badan oo ma guurto ah ka samaystay Magaalooyinka  London, Nairobi, Manchestar, Dubai, Hargeisa iyo waliba Dalal kale oo deris la ah Somaliland.

Warku waxa uu intaas ku daray in Wiilka Madaxweynuhu soddogga u yahay uu si weyn gacanta ugu dhigay Hanti badanti badan oo umaddu leedahay, taas oo ay ka saacidday Haweenayda Madaxweynaha oo ah soddohdii.

Warbixintan uu wargeysku, ayaa lagu xusay in uu Baashe La kulmay shir ay Madaxweyne Siilaanyo, la yeesheen Guddi ka yimi dalka Imaaraadka Carabta, oo ka socday DP World, isaga oo doonayay in uu saami l(Share), la galo shirkad lagu magacaabo ENOC (Emarites National Oil Company), si uu dibadda uga soo dejiyo shidaal iib ahaan loogu sii gudbiyo dalka Ethiopia,

Baashe Cawil Xaaji Cumar, waxa uu waxbarashadiisa ku soo qaatay London Collage, isaga oo ka bartay culuumta Kimistariga, sidoo kale waxa uu culuunta Chemistery Petrol-ka uu ku soo qaatay Jaamacad ku taalla Manchester, waxaanu Ogolaansho uu hore uga helay masuulka lagu magacaabo Adan Sugaal, oo madax ka ah Nationla Contarct Agency, isaga oo ka haysta awooda lagu magacaabo Light Trafic, oo ka dhigan cidi isma hor-taagi karto taas oo u suurta-gelisay in uu dalka Somaliand, keeno nin ganacsade ah oo u dhashay dalka Pakistan, oo lagu magacaabo Mahhammed Khan, isaga oo awoodiisa u isticmaalay in uu ka shaqaalaysiiyo Wasaaradda Hawalaha Guud ee Somaliland, oo uu Wasiir ka yahay Abdirizaq Khalif Ahmed, isaga oo ninkaa Pakistaaniga ah madax looga dhigay waaxda Wasaaradda ee Thecnical Control, ee soo dejinta baabuurta ee Berbera.

Awoodaha Baashe Morgan, ayaan ahayn qaar ka qarsoon Bulshada Reer Somaliland, waxase  haatan cusub inay warbaahinta Caalamku si muuqata uga Hadasho lunsiga Hantiyeed uu beryahan ku Foogan yahay.

Baashe Cawil, ayaa Bulshada dhexdeeda Caan ka Noqday Sanadkii labaad ee Muddo-xileedka Madaxweyne Siilaanyo, waxana uu si weyn iskugu xidhay oo ula shaqeeyaa Wasiirka Macdanta oo udub-dhexaad u ah arrimaha shidaalka dalka oo naasnuujin badani ka jirto.

 

Xigasho Hadhwanaag.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com