London March 12,2015 (SDN / QJ ) – Wasiirka xiriirka Golleyaasha Somaliland Md Cali Jibriil Xaamud ayaa kulan la yeeshay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka UK., war saxaafada loogu talo galay oo uu kula kaa ka soo saaray ambassador Kaysar Cabdilaahi Maxamed ayaa sidan u qornaa:
“Wasiirka Xidhiiidhka Golayaasha Qaranka Ee Somaliland Mudane Cali Xaamud Jibriil oo Maalmaahanba ku sugnaa Dalkan UK ayaa Kulan Muhiim ah la yeeshay Xildhibaano ka tirsan Aqalka Baarlamaanka UK oo uu ka mid yahay Rugcadaaga Weyn ee Sir Tony Baldry iyaga oo si qoto dheer uga wada hadlay Cilaaqaadka soo jireenka ah ee u dhexeeya labada Dal ee Somaliland Iyo UK.
Waxaana Wasiirku uu Warbixin Balaadhan ka siiyay Xaalada guud ee uu Dalka Hooyo ku sugan yahay iyo Nidaamka Dawladnimo iyo Horumarka ka socda Somaliland. Wasiirka oo ay Wehelinayeen Safiir ku Xigeenka Safaarada Somaliland ee Dalkan UK Danjire Daahir Tukaale iyo Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Dalkan UK Mudane Xariir Xirsi ayaa waxa uu ahaa Kulan aad u Muhiim ah, waxaana Wasiirku uu Xubnaha Barlamanka UK Gaar ahaan Sir Tony Baldry uu ka codsaday inuu Dalka Somaliland ay Booqasho ku yimaadaan, taasoo ay iyaguna aad usoo Dhaweeyeen.
Waxaan u Mahadnaqayaa Safiir ku Xigeenka Somaliland ee UK Danjire Daahir Tukaale iyo Mudane Xariir Xirsi oo hawshan aad uga Soo shaqeeyay.
Waad Mahadsan tihiin
Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed
