Washington:Mar,12,2015(SDN/QJ)-Lacagaha Mushaharka ay ee Bishii loo xaadiro ayaa ah waxa ugu badan oo nolosha dadku sida weyn ugu tiirsan tahay, iyadoo indhahooduna qabtaan qaddarka qof waliba uu qaato.
Madaxweyneyaasha ama hoggaamiyayaasha dunida ayaa lagu tilmaamaa inay yihiin dadka xaraysta mushaharka ugu badan ee dunida laga qaato, waxana jira nidaam kala sarrayneed oo ay u kala mushahar badan yihiin hoggaamiyayaashaasi.
Lix kamid ah Madaxda Caalamka oo qaata mushahar xad-dhaaf ah, ayaanu maanta halkan idiinku haynaa, waxana si weyn uga muuqda in duniga qaniga ah madaxdoodu mushahar badan qaadato.
Waxaa iska cad in dalka sheegta in uu dunida ugu awoodda badan yahay ee Mareykanka uu Madaxweynihiisuna noqonayo kan ugu jeebka buuran dhaqaalo ahaan, waana sababta uu Madaxweyne Brack Obama kaalinta koowaad kaga jiro liiskan isagoo sanadkii qaata 400.000 oo Dollar (Afar boqol oo kun oo doolar) una dhiganta in uu bil walba qaato 33,333 (Soddon iyo seddex kun, seddex boqol soddon iyo seddex)
Kaalinta Labaad waxa ku jira Ra’isal wasaaraha Waddanka Canada Stepher Harper, kaas oo mushaharkiisu yahay sanadkii $260,000.
Kaalinta Saddexaad ee hoggaamiyayaasha ugu mushaharka badan waxa ku jira Hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel oo sanadkii u xadirta 234,400, Kaalinta Afraad waxa ku jira Madaxweynaha Dalka South Afrika oo qaata lacag dhan 223,500.
Kaalinta Tobnaad waxa ku jira Madaxweynaha Waddanka Brazil Dilma Sousseff oo sanadkii qaadata lacag dhan $120,000.
Waxaa xusid mudan in Madaxweynaha kaliya ee Afrikaan ah ee Tobanka ugu sareysa soo galey uu yahay Madaxweynaha South Afrika Jackob Zuma oo sanad walba ku xisaabtama 223.500 (Laba boqol labaatan iyo Seddex kun iyo Shan boqol) kaalinta afraad ayuuna kaga jiraa Shanta ugu sareysa madaxda ugu mushaharka badan dunida.
Madaxda Caalamka ayaa la sheegaa inaanay intooda badani qaadan mushahar sidaas usii badan, waxana jira Madaxweynayaal lacag aad u yar qaata, waxana madaxda Mushaharka yar qaadataa badidoodu ku nool yihiin Dalalka Laatiin Amerika.
SDN/QJ
