admin

Gulufka alShabaab ka dhanka ah oo badhtamaha Soomaaliya kasii socda

Muqdisho. 25 September, 2022. (QJ)- Xogo iyo warar kala duwan oo aanu ka helayno deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidanka xoogga Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ay saaka Al-shabaab kala wareegeen degmada Moqokori oo ka mid ah meelaha Shabaab ku awood badnayeen. Taliyaha Ururka 41-aad guutada 5-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya  Cabdi Muumin…

Read More

Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo cayimay Doorashada Madaxtooyada

Hargeysa. 24 September, 2022. (QJ)- Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta sheegay in aanay 13 November, 2022 ku qaban karin Doorashada Madaxtooyada iyaga oo jadwal cusub iyo wakhti ay ku qaban karaan soo saaray. Komishanka ayaa shaaciyay in muddo 9 bilood ah oo ka bilaabmaysa 1-da October ee 2022 ay ku qaban karaan Doorashada Madaxtooyada. Bisha…

Read More

Xogta Soomaalida lagu la’yahay badda u dhaxaysa Turkiga iyo Giriiga

Muqdisho. 24 September, 2022. (QJ)- Maraakiibta ilaalada xeebaha Giriigga ayaa baadigoobaya ugu yaraan lix muhaajiriin ah oo lagu la’yahay jasiiradda Leros, sida ay sheegeen saraakiisha xeebaha dalkaas oo sidoo kale baadhaya  shil kale oo la rumeysan yahay inuu kaas ka dambeeyay. Booliska Dekadda ee xeebta Leros ayaa helay 49 tahriibayaal Afrikaan ah, iyada oo sidoo…

Read More

Golaha Wakiilada Somaliland oo kooram la’aan furmi waayay iyo cidda dantu ugu jirto

Hargeysa. 24 September, 2022. (QJ)- Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta u furmi waayay kooram la’aan iyadoo xildhibaanada xukuumadda taageersan iyo kuwa Maxamuud Xaashi uu wato ay diideen in ay ka xaadiraan Golaha. Tallaabadan ayay xildhibaanada xukuumaddu ku macneeyeen in ay kaga soo hor jeedaan kaabista iyo wax ka badalka xeer14 ee Golaha Wakiiladu u gudbiyay…

Read More

Xildhibaano ay xukuumaddu ka been-abuurtay oo taageeray kaabista xeerka Guurtida loo gudbiyay

Hargeysa. 24 December, 2022. (QJ)- Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa shaaciyay in laga been abuurtay oo aanay wax diidmo ah ka qabin kaabista xeerka Guurtida loo gudbiyay ee Wakiiladu ansixiyeen todobaadkii hore. Xildhibaanada waxa ka been abuuray xildhibaano taageersan xukuumadda oo ku darsaday liis ay u gudbiyeen Golaha Guurtida oo ay ku sheegeen…

Read More

Xasan Sheekh oo Qaramada Midoobay ka hadlay iyo waxa uu u sheegay

Muqdisho. 23 September, 2022. (QJ)- Madaxweynaha  dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyey Shirka Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey ayaa soo bandhigay dadaallada dowladda Soomaaliya ee gurmadka abaaraha, dib u habaynta laamaha ammaanka, guulaha laga gaadhay dagaalada ka dhanka ah kooxaha Al-shabaab iyo Daacish, dib u heshiisiinta iyo hirgelinta dowladnimada. Xasan…

Read More

Muuse Biixi oo la shiray Reer Berbera iyo qaylo-dhaan kale oo uu u sheegay

Hargeysa. 22 September, 2022. (QJ)- Madaxweynaha Somaliland ayaa mar kale beesha uu kasoo jeedo kula shiray magaalada Berbera, gaar ahaan wuxuu markan la shiray beesha Ciise Muuse ee ay Habar Awal isku yihiin beesha Sacad Muuse ee madaxweynuhu ka dhashay. Kulanka oo albaabadu u xidhnaayeen ayaa daba socday laba kulan oo hore oo ka dhacay…

Read More

Muxuu yahay ololaha xoogan ee alShabaab ka dhanka ah ee Soomaaliya ka socda

Muqdisho. 22 September, 2022. (QJ)- Dawladda Soomaaliya gaar ahaan Golaha Wasiirada ayaa maanta meel mariyay ajande ballaadhan oo ka dhan ah kooxda alShabaab, iyadoo siyaasadaha amniga qaranka ee xoraynta deegaanada alShabaab la xoojinayo. Golaha wasiiradda oo raysal wasaaruhu shir guddoominayay ayaa go’aamiyay in la dhiso guddiga abaabulka iyo isku dubarridka howlaha dagaalka Alshabaab lagu dabargoynayo. Guddigaan…

Read More

Dilka 27 Shabaab ah oo Maraykanku uu sheegtay iyo qaabka loo dilay

Muqdisho. 21 September, 2022. (QJ)- Deegaanka Buulaburte ee gobolka Hiiraan ee badhtamaha Soomaaliya ayay diyaaradaha Maraykanku duqaymo ka fuliyeen, iyagoo sheegtay dilka Tobanaan ka tirsan kooxda alShabaab. Bayaal kasoo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaano AFRICOM, ayaa lagu sheegay in duqayntan lagu dilay 27 katirsan dagaalamayaasha Alshabaab. Marayanka wuxuu sheegay inuu duqayntan…

Read More

Laba mooshin oo madaxweynaha iyo gudoomiyaha Wakiilada ka dhan ah oo la abaabulayo

Hargeysa. 20 September, 2022. (QJ)- Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland waxa mar kale laga dareemayaa xiisad siyaasadeed oo culus iyo abaabulka mooshino isku lid ah. Laba mooshin oo mid ka dhan yahay madaxweynaha iyo ka kale oo ka dhan ah gudoomoyaha Wakiilada ahaa hadda la abaabulayaa. Xildhibaanada mucaaradka Somaliland taabacsan ayaa iyagu raba in ay…

Read More

Ma ogtahay in madaxweynaha Somaliland aanu dhex marin magaalada Burco mudadii uu joogay

Hargeysa. 18 September, 2022. (QJ)- Madaxweynaha Somaliland ayaan dhex marin magaalada Burco mudadii uu joogay magaalada iyo guud ahaan gobolka Togdheer, iyadoo la marinayay wadooyinka ka leexanaha badhtamaha magaalada iyo aaga Zero-ga loo yaqaano ee Burco. Tusaale ahaan maalintii ugu horaysay madaxweynaha waxa ay dad lasoo abaabulay kaga hor tageen deegaanka Qoyta iyadoo markii ay…

Read More