Turkiga oo hambalyeeyay Madaxweynaha La Doortay Cabdiraxmaan Cirro
ANKARA November 23, 2024(QJ) Dawladda Turkiga ayaa dhambaal hambalyo ah u dirtay Madaxweynaha cusub ee loo doortay Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, isagoo rajo ka muujiyay in dib loo bilaabo wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya. War saxaafadeed ka soo baxay safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ayaa ugu horeyn loogu hambalyeeyay doorashadii ka dhacday Somaliland, iyadoo xustay inay…
