|

Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey oo Ka Soo Jeeda Deegaanka Buuhoodle oo loo doortay Madaxweyne ku Xigeenka Punt Land

Garowe 08.Jan 2014 (SDN)- Waxaa Hadda la soo gebagabeeyey Doorashada Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed,waxaana Doorashada Madaxtinimadda Puntland isu soo taagey 10 Musharax oo ku jiro Madaxweyne ku xigeenkii Dawladii hore e Puntland Mudane Cabdisamad Cali shire.

1_34Doorashadan oo hadda la soo afmeerey waxaa si toos ah loogu codeyey inuu Madaxweyne ku xigeen ka noqdo Dawlada Goboleedka Puntland Mudane Cabdixakiim   Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay, Waxaana uu haley codad gaaraya 48,iyadoo uu Mudane Timacadena helay 16 cod.

Sidoo kale waxaa doorashada Mudane  si weyn u aqbalay dhamaan musharixiintii kula tartamay xilka madaxweynenimadda Puntland,waxaana ay ugu hambalyeyeen xilka uu qabtey maanta mudane Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey.

Mudane Camay ayaa ah nin tageero balaaran ka haysta dadka dega degaanada ku teedsan buhoodle,waxaana degaanadaasi ka bilaabmaya banaanbaxyo lagu tageerayo Mudane Camay oo ah nin la sheegay inuu yahay nin isku keeni kara shacabka degaanada Sool,Sanaag & Cayn.

Mudane Camay waxaa uu ka guuleystey Mudane Timacade oo isna ka soo jeeda Waxanaa ay isugu hambalyeeyeen si wanagsan iyagoo ay ka muuqato kalsooni iyo firfircooni.

Sidoo kale maanta waxa si habsami leh Madaxweyne loogu doortey Mudane Cabdiweli Maxamed Gaas,waxaana uu noqonayaa madaxweynaha maamulka Puntland iyadoo uu madaxweynihi hore ee Puntland Dr Faroole u hambalyeyey Madaxweynaha cusub ee la doortey.

Ugu dambeyntii Maamulka Puntland ayaa maanta galaya wajiyo cusub maadamada masuuliyiin cusub xilka qabteen,waxaana shacabka Puntland u daneynayaan isbedel ka soo baxay doorashooyinka Mamulka Puntland.

Garowe SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed