“Waxaa La Yidhi Berberi Waa Sodoh Iminkana Waxay Noqonaysaa Sodoh Weyn” Murashax Muuse Biixi oo Berbera Lagu Soo Dhaweeyay DAAWO

Berbera 17.Jan 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Weftigii uu hogaaminayay oo Mudooyinkii u danbeeyay Socdaal ku Joogay Gobolka Togdheer ayaa Maanta soo Gaadhay Magaalada Berbera halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay. Weftiga ayaa Isla Galabta u soo Ambo baxay Caasimada dalka ee Hargaysa. https://www.youtube.com/watch?v=h5qqhXe-cqk&feature=youtu.be

Read More

“Dadkii Isbahaysiga Ahaa Waa Halkoodii, Maanta Ayaanu Ugu Xoog Waynahay” Maxamed Biixi Yoonis DAAWO

Hargeysa 17.Jan .2016 (SDN/QJ):- Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay in xubnihii ku midoobay isbaahaysiga xisbiga tallada haya ee KULMIYE ay haystaan taageero balaadhan, waxaanu tilmaamay in aanay jirin cid ka leexatay mawqifkii ay ku midaysnaayeen. Maxamed Biixi Yoonis oo maanta dalka ku soo laabtay ka dib safro uu ugu maqanaa dalalka…

Read More

Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland oo ka Hadlay Warar Sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo Xilka ka Qaadayo Wasiirkiisa Maaliyadda DAAWO

Hargeysa 17.Jan .2016 (SDN/QJ):- Afhayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr), ayaa ku tiri ku teen ku sifeeyay su’aal laga weydiiyay tibaaxo sheegayay in xilka laga qaadayo Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan.   “Horta Madaxweynuhu cidda uu xilka u igmanayo iyo cidda uu ka qaadayo isagaa awoodaa leh warkaa aad sheegaysaana waxaan filayaa inay yihiin…

Read More

Xogwaran Xiiso leh oo Raysal Wasaarihii hore ee Somali C.weli Sheekh siiyay Barnaamijka Deperani show DAAWO

Garowe 17.Jan .2016 (SDN/QJ):- Raysal Wasaarihii Hore ee Xukuumada Federaalka Somalia C.weli Sheekh Axmed ayaa ka hadlay Socdaal uu Mudooyinkii u danbeeyay ku Joogay Deegaamo ka Tirsan Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Puntland . Sidoo kale Wuxuu Siyaasigan oo ka mid ah Madaxda ku dhawaaqday Ururada Siyaasadeed ee ka qayb qaadanaya Doorashooyinka Sannadkan la filayo inay ka dhacaan Dalka…

Read More

Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Berbera oo ku Hawlan Qorshe ay Xilka kaga qaadayaan Maayarka Berbera DAAWO

Berbera 17.Jan 2016 (SDN/QJ):- Qaar ka Mid ah Mudanayaasha Golaha Deegaanka ee Magaalada Berbera ayaa ku Hawlan Qorshe ay doonayaan Inay Maamuus ka Xayuubin ku sameeyaan Gudoomiyaha Golaha Deegaanka ee Berbera Ahna Maayirka Magaalada Berbera C.shakuur Maxamud Xasan Cidin. Hadaba Afhayeenka Mudanayaasha dabada ka riixaya Mooshinkan ayaa faahfaahin ka bixiyey Waxyaabaha ay u Cuskadeen Mooshinkoodan.

Read More

Magacyada Sadex Gacan Ku dhiigle oo Ciidamada Somaliland Maanta Ku Fuliyeen Xukun Qisaas ah

Hargaysa 17.Jan 2016 (SDN/QJ):- Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta dil ku fulisay saddex gacan ku dhiigle oo hore dilal badheedh ah u geystay,sida uu daboolka ka qaaday Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka Xasan Axmed Aadan. “Waxa Saaka oo bishu tahay 17/01/2016-ka abaarro 8:30 subaxnimo Jeelka weyn ee Mandheera hortiisa lagaga fuliyay dil toogasho ah saddexda…

Read More

Xaaji Cabdi Kariin Xuseen “Cabdi Waraabe” oo Dib ugu soo Noqday Dalka kana Waramay Xaaladiisa Caafimaad DAAWO

Hargeysa 17.Jan .2016 (SDN/QJ):-Saaka arooryadii hore waxa garoonka Diyaaradaha ee Egal International Airport lagu soo dhaweeyey Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdiwaraabe) oo uu wehelinaayey Amb. Baashe Cawil Cumar oo isagu xaajiga u qaaday Imaaraadka si xaaladiisa caafimaad loogu sameeyo shaybaadh guud ama loo hubiyo, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyey garoonka, kana hortageen wasiiro, wasiiru-dawlayaal, Wasiir ku xigeeno,…

Read More

Xukumada Somaliland Oo Qisaas Ku Fulisay Saddex Ruux Oo Ay Ka Mid Tahay Haweenaydii Dishay Ruqiya Siciid Ayaanle

Hargeysa,17jan,2016(QJ/SDN)-Xukumada Somaliland ayaa saaka qisaas dil ah ku fulisay gabadhii dishay Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle iyo wiilkeedii. Dilkan qisaasta ah oo ka dhacay deegaanka Mandheera , waxaana warbaahinta u xaqiijiyey Xoghayaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo ah walaalo ahaayeen Marxuumad Ruqiya, oo sheegay in qisaasta dilkaasi oo saaka ka dhacay deegaanka Mandheera lagu…

Read More

“Tani Waa Ollole, Laakiin Waa Ololihii Diiwaangalinta…” Murashaxa ahna Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye+Maxamed Kaahin Iyo Wasiir Caddaani oo Sheegay inay Burco ka wadaan Olole DAAWO

Burco 17.Jan 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha ahna musharaxa xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa iska difaacay eedaymaha ay u jeedinayaan labada xisbi mucaarad, xisbiyada mucaaradka ah ayaa ku eedeeyay Muuse inuu galay ollole xili aan wali la banayan. Waxaana guddoomiye Muuse oo arintan ka hadlaayay uu yidhi “Waxa la bilaabay hawshii ugu waynayd oo ah in…

Read More

Goobta Dalxiiska Iyo Caafimaadka Qofka u Wacan Ee Biyo Kululle ee Deegaanka Boosaso DAAWO

Boossaaso 16,Jan 2016 (SDN/QJ):- Dalxiisayaal Soomaali ah ayaa maalmihii ugu danbeeyay kusii qul-qulayey xarunta dalxiis iyo caafimaadka Biyo kulule oo qiyaastii magalada u jirta 15-KM. Puntland TV ayaa war bixintan ka diyaarisey, iyadoona dadka ka hadlaya goobtan ay ku tilmaameen inay tahay xarun aad iyo aad ugu wanagsan dalxiiska, sidoo kale waxay lee dahay meel…

Read More

Burco:Bilowga Maanta ee Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Somaliland Iyo Xisbiyada Mucaaridka oo Eedayn u Jeediyay Xisbul Xaakimka Kulmiye DAAWO

Burco 16.Jan 2016 (SDN/QJ):- Munaasibad lagu shaacinayey bilowga diiwaan galinta qaadashada kaadhka codbixiyaasha sidoo kalana lagu wacyi galinayey bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa Komiishanka Doorashooyinku Maanta ku qabteen Mgaalada Burco oo ay Si Rasmi ah uga Bilaabantay Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha. Madaxda Sadexda Xisbi Qaran Iyo Komiishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa ka hadlay Bilowga Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Sidoo kale…

Read More

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo Ganafka ku Dhuftay Mas’uuliyiin uu Murashaxa Madaxweyne Magacaabay Iyo Khilaafkii oo Mar kale Istaadhmay

Hargeysa, 16 January, 2016-(SDN/QJ): –Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe ayaa ka soo horjeestay xilal uu dhawaan magacaabay murashaxa madaxweyne ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, kuwaas oo uu Faysal ku tilmaamay inay ka soo horjeedo xeer hoosaadka xisbiga. Qoraal wargelin ah oo uu Faysal Cali Waraabe u gudbiyay dhammaan laamaha dibadda ee xisbiga…

Read More

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo Golaha Amaanka kaga Hor hadlay Iscasilaadi Xubno ka Mid ah Golaha Wasiiradda Somaliland

New York 16.Jan 2016 (SDN/QJ):- Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa is casiladii wasiiradii Madaxweyne Siilaanyo kaga hadlay warbixin uu u gudbiyay golaha ammaanka Qaramada Midoobay. Warbixintan  oo uu xoghayaha guud toddobaadkan jeediyay oo uu Geeska Afrika helay nuqul ka mid ah, wuxuu Mr. Ban Ki Moon golaha ammaanka ugaga xog-waramayay xaalada…

Read More

Xusuusihii iyo Mahadhooyinkii Maxamed Mooge Liibaan. W/Q:Khaalid Foodhaadhi

Waxa uu ahaa macallin, heesaa, laxamayste, halgamaa, waxaana  uu ku dhashay magalaada Hargeysa kuna barbaaray yaraantiisii, halkaas oo uu waxbarashadiisii ka bilaabay, ka hor intii aanu hantiyin dhagaha dadweynaha Soomaaliyeed waxa uu ahaa macallin ka tirsan wasaarada waxbarashada jamhuuriyadii Soomaaliya, wuxuu hoobal soo shaac baxay noqday sanadihii todobaataneeyadii, waxa taliskii Soomaaliya ka dhisnaan jiray shaqadii…

Read More