Madaxweyne Siilaanyo oo Xilkii Ka Qaaday Gudoomiyihii Gobolka Maroodi Jeex Mustafe Shiine & Bedelkiisii oo uu Magacaabay

Hargaysa 26. October 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XILQ/249/1-5169/102017 uu xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey  Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex.   Xilka Qaadis   Ku:      Mudane, Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine), Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Maroodi-jeex                                              Hargeysa   Og:       Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha                                                 …

Read More

Xisbiga Kulmiye oo Wacdaro ka Dhigay Xarunta Gobolka Salal ee Magaaladda Saylac & Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeen Mudane Saylici oo Kala Qayb Galay DAAWO

Saylac 26. October 2017 (SDN/QJ):-Madaxweyne ku xigeenka JSL ahna musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga kulmiye Md: C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa kala qayb galay taageerayaasha xisbiga kulmiye isu soo baxa ololaha doorashadda madaxtooyadda ee gobolka Salal gaar ahaan magaaladda Saylac. Xisbiga Kulmiye ayay Shalay u ahayd Maalintiisii Labaad ee Kaltanka Ololaha Doorashadda Madaxtooyadda,

Read More

Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada JSL, Md. Maxamed Muuse Abees Oo Beeniyey Warar Laga Baahiyey Oo Sheegaya Inuu Iska casilay Xilkii Uu Qaranka U Hayey

Hargaysa 26. October 2017 (SDN/QJ):- Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Madaxtooyada JSL, Mudane. Maxamed Muuse Abees oo ayaa hadal qoraal ah oo uu soo saaray ku beeniyey wararkaasi, sidoo kalena ku sheegay inuu La shaqaynayo Xukuumadda uu ka tirsan yahay iyo xisbul xaakimka Kulmiye, qoraalkaasi ayaa u dhigan sidan:- “Waxa aan shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo taageerayaashayda u sheegayaa…

Read More

Caasimadda Hargaysa oo ay Soo Gaadheen Hormadii Kowaad ee Goob Joogayaal Caalami ah oo la Soconaya Doorashadda Madaxtooyadda DAAWO

Hargaysa 25. October 2017 (SDN/QJ):-Waxaa Caasimadda Dalka Somaliland ee Hargaysa soo gaadhay Qayb ka Mid ah Goob Joogayaasha Caalamiga ah ee Kor Joogtada ka noqonaysa Hannaanka ay u dhacayso Doorashadda Madaxtooyadda Somaliland ee Ku astaysan 13-ka Bisha November ee Sannadkan. Goob Joogayaashan oo Ka Kala Socday 24 Dal oo Caalami ah ayaa Waxaa maanta Qaabilay…

Read More

Madaxweyne Siilaanyo oo Deg Deg u Magacaabay Xil uu Maanta Iska Casilay Gudoomiye Ku Xigeenkii Gobolka Sanaag

Hargaysa 25. October 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu maanta wareegto madaxweyne uu ku magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag. Wareegtadan Madaxweynuhu soo saaray oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyadda Xuseen Aadan Cige Dayr ayaa u dhignayd Sidan: Madaxweynuhu:- Markuu Arkay:                    Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay:                    Qodobka 110aad…

Read More

Kenya oo Beri oo Khamiis ah Galaysa Xaalad adag,Doorashadda Ku Celinta ah oo Dhacaysa, Baaqa Hogaamiyaha Mucaaridka ee Dhaq-dhaqaaqa Wax iska Caabinta,& Walaaca Laga Qabo Xiisad Dagaal oo Qaraxda!!!

Nairobi 25. October 2017 (SDN/QJ):-Hoggaamiyaha Isbaheysiga mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa u sheegay taageerayaashiisa inay guryahooda ku ekaadaan oo aysan u soo bixin doorashada ku celiska ah ee lagu wado inay dalkaasi ka dhacdo berri. Waxa uu sheegay in Isbaheysigiisa NASA uu isu beddelayo “Dhaqdhaqaaq wax iska cabin ah” Raila oo taageeayaashiisa kula hadlay fagaaaha Uhuru…

Read More

Laba Mas’uul oo Cusub oo Madaxweynaha Somaliland uu Magacaabay Xili Xil hayntiisu Gabaabsi tahay

Hargaysa 25. October 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu maanta wareegto madaxweyne ku magacaabay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Maalgashiga Somaliland iyo Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiyidoona Dalka Ireland. Madaxweynuhu:- Markuu Arkay:                    Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay Hay’adda Maalgashigu u leedahay kor u…

Read More

Siyaasi C.laahi Xaaji Cumar (C.laahi Jawaan) oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Iyo Taliska Booliska Ku Dhaliilay inay Buriyeen awaamiirtii Madaxweynaha & Komiishanku soo Saareen DAAWO

Hargaysa 25. October 2017 (SDN/QJ):-La taliyihii Hore ee Madaxweyne Siilaanyo ee dhanka Doorashooyinka C.laahi Xaaji Cumar (C.laahi Jawaan) ayaa sheegay in la Jebiyey Go’aanadii ka soo baxay Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Komiishanka Doorashooyinka Qaranka ee Ku wajahnaa Saacadaha Ololaha Xisbiyadda Siyaasadda Waxaa Kale oo uu Xusay inay Burtay wareegto uu Madaxweynuhu kaga Mamnuucay Agaasimeyaasha Guud…

Read More

Shacabka Somaliland oo Maalinta Labaad ee Ololaha KULMIYE ka Markhaati-kacay Baaxadda Ballaadhan ee Taageerada Xisbiga SAWIRO

Hargaysa 25. October 2017 (SDN/QJ):- Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa bannaanbaxyo baaxad leh oo taageerada xisbiga KULMIYE ah ku muujiyey maalinta labaad ee ololaha doorashada xisbul-xaakimka oo laga sameeyey guud ahaan gobollada iyo degmooyinka waddanka oo dhan. Kumanaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee 21 degmo doorasho ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa isu-soo-baxyo waawayn oo ay ku cabirayaan…

Read More

Dhoola Tuska Xisbiga Kulmiye ee Ololaha Doorashadda oo Wareegiisii Labaad galay & Hanaanka Taageerayaashiisu u soo Baxeen DAAWO

Hargaysa 25. October 2017 (SDN/QJ):-Xisbiga talada dalka haya  ee kulmiye oo Maalintiisii labaad ee ololaha doorashadu ay ahayd maanta ayaa Gobolada Iyo Degmooyinka Dalka Waxa uu ku soo bandhigay Dhoola Tus xoogan oo Siyaasadeed Isla markaana uu ku Muujinayo Cuddudiisa ku wajahan Ololaha Doorashadda Madaxtooyadda.

Read More

Wasiir Ku Xigeen,Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka Sanaag,Siyaasi Miisaan Culus ku leh Gobolka Sool & Safiir Hore oo Hada is Casilay DAAWO

Hargaysa 25. October 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Goor dhawayd Magaaladda Hargaysa ku Shaaciyey inay iska Casileen Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Wasiir Ku Xigeenkii Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Gudoomiye Ku Xigeenkii Gobolka Sanaag, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Khayraadka Biyaha iyo Safiirkii Hore ee Somaliland ee Dalka Jabuuti.

Read More

Wasiirka Qorsheynta Somaliland Oo Ka Hadlay Inuu Iska Casilayo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo DAAWO

Hargaysa 25. October 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka Qorshaynta qaranka Somaliland Qabyatire ayaa beeniyay inuu iska casilayo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. Islamarkaanna wuxuu sheegay in warkaa beenta ah ay faafiyeen xisbiga mucaaridka ah ee Waddani. Wasiirku wuxuu sidaa ku sheegay waraysi uu siiyay telefishinka Eryal Tv ee Magaaladda Hargeysa.

Read More

Dawlada Jabuuti oo La Wareegtay Hantidii Ganacsade Geele Arab & Ergo ku soo Hungoobay Dhexdhexaadinta Xukuumadda Jabuuti Iyo Ganacsade Geele Arab DAAWO

Hargaysa 25. October 2017 (SDN/QJ):-Dawlada Jabuuti ayaa la wareegtay Hantidii Ganacsade Axmed Cismaan Geele- Arab waxaana dalka Jabuuti tegay Madax dhaqameed iyo Mas’uuliyiin kale oo ka soo Jeeda beesha ganacsadahan waxayna sheegeen inay ku soo Hungoobeen wada hadal dhex dhexaadineed oo ay ku rabeen inay Xal ka gaadhaan Khilaafka laba geesoodka ah.

Read More

Hogaamiyaha Xisbiga Waddani oo Ku Celiyey inay Guriga Murashax Muuse Biixi Albaabkiisa Garaacaan si ay Cod uga Helaan Kana Jawaabay Baqo ka Warwarka Xisbiga Kulmiye ee Balanqaadkii Korodhsiimaha Mushahaarka Ciidanka DAAWO

Ceerigaabo 24. October 2017 (SDN/QJ):- Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Xrisi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in Xisbiga talada haya ee Kulmiye ka qayliyey Qorshe ay Waddani ahaan dejiyeen oo ay Bulshada Reer Somaliland kula xidhiidhayaan Khadka Taleefanka inta Taleefan sidata iyo mid ay Dadka Guryohooda ku garaacayaan, isla markaana kaga codsanayaan inay Codkooda Siiyaan…

Read More

Taliska Booliska Somaliland oo amaro adag Ka soo Saaray Gaadiidka Ololaha ee Xisbiyadda Qaranka ee Xiliga Habeen-nimo & Shilal ka Dhashay Banaan baxa Axsaabta DAAWO

Hargaysa 24. October 2017 (SDN/QJ):- Taliyaha Ciidanka booliska Somaliland Sareeye Guuto C.laahi Fadal Iimaan oo ay Weheliyaan Saraakiil Sare oo Ka Tirsan Ciidanka Booliska ayaa ku amray Ciidanka Booliska Somaliland ee Gobolada Iyo Degmooyinka dalku inay Talaabo Sharci ka qaadaan Xisbigii ku Xadgudba Wakhtiga Cusub ee Komiishanka Doorashooyinku u dejiyeen in Xisbiyada Qaranku iyo Taageerayaashoodu…

Read More

Madaxweynaha Maamulka Punt Land oo Xilkii ka Xayuubiyey Taliyihiisii Ciidanka Booliska Kadib Markii uu Toogtay Taliye Ku Xigeenkiisii DAAWO

Garowe 24. October 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Punt Land Cabdiweli Maxamed Gaas ayaa Xilkii ka qaaday Taliyihii Ciidamada Booliska Puntland Cabdiqadir Shire Faarax (Ereg) kadib Markii uu Toogtay Taliye ku Xigeenkiisii. https://www.youtube.com/watch?v=FsGk5Wj1IbQ

Read More