Xisbiga KULMIYE oo Soo Dhaweeyey Haldoor iyo Siyaasiyiin Miisaan leh oo kasoo Jeeda Gobolka Awdal SAWIRO/DAAWO

Boorama 05. October 2017 (SDN/QJ):-Xisbul-xaakimka haya talada Somaliland ee KULMIYE, ayaa soo dhaweyn ballaadhan ku qaabilay siyaasiyiin iyo haldoor miisaan leh oo kasoo jeeda gobolka Awdal oo ay hoggaaminayaan murrashaxii hore ee Madaxweyne-ku-xigeenka UCID iyo Xoghayihii hore ee Warfaafinta Md. Cabdirashiid Xasan Mataan iyo Wasiirkii hore ee Macdanta xukuumaddii UDUB Md. Cismaan Sheekh Cabdi oo…

Read More

Hargaysa: Sadex Caruur ah oo Ka Soo Jeeda Qoomiyada Oromada Itoobiya oo Maanta Ku Naf waayay Kadib Markii uu Dab Qabsaday Gurigii ay ku Noolaayeen DAAWO

Hargaysa 05. October 2017 (SDN/QJ):-Sadex Caruur ah ayaa ku Geeriyooday Maanta Kadib markii uu Dab qabsaday Guri Jiingad ah oo ay ku Jireen kaas oo ku Yaala Xaafada Sheedaha ee Degmada Ibraahin Koodbuur ee Magaalada Hargaysa. Ciidanka Dabdamiska Somaliland oo uu horkacayo Taliyaha Ciidankaasi Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa daqiiqado yar kadib gaadhay…

Read More

Gudoomiyaha Ku Meel Gaadhka ah ee Xisbiga Waddani oo Ka Hadlay Ganaaxa Lacageed ee Komiishanka Doorashooyinku ku soo Rogeen & Khaladaad Dhacay Kadib Ganaaxooda!!! DAAWO

Hargaysa 05. October 2017 (SDN/QJ):-Gudoomiyaha Ku Meel gaadhka ah ee Xisbiga Waddani Xildhibaan C.qaadir Xaaji Ismaaciil Jirde ayaa ka falceliyey Ganaax Lacageed oo dhan 50 Milyan oo Shilling Somaliland ah oo Guddida anshaxa ee Komiishanku ay ku soo rogeen Kadib Markii Xisbiga Waddani Lagu eedeeyey Olole Sharciga baalmarsan oo uu ka sameeyay Magaaladda Balli Gubadle….

Read More

Musharrax Cabdiraxmaan Cirro Oo Xafiis Weyn U Furay Ganacsatada Waaheen Una Tilmaamay In Maayarka Hargeysa Kulmiye Ugu Ololeeyo Cashuurtoodii

Hargaysa 05. October 2017 (SDN/QJ):-Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa subaxnimadii Khamiista xadhiga ka jaray Xafiis ay iskood u furteen una qalabeysteen shacbi weynaha taageerayaasha u ah Xisbiga Waddani ee ka dhex-ganacsada suuqa weyn ee Waaheen oo ku yaalla badhtamaha magaalada Hargeysa. Taageerayaashan Xisbiga Waddani ee ganacsatada ahi, waxa ay…

Read More

Wasiir Cakuse Oo Ka Hadlay Ololaha Xisbiga Waddani Bilaabay DAAWO

Hargaysa 05. October 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Cabdilaahi Daahir Cukuse ayaa xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ku eedeeyay in aannu ilaalin anshaxii doorashadda ee Komishanka doorashooyinku soo saareen. Islamarkaan wuxuu xisbiga Waddani ugu  baaqay inay ilaaliyaan nidaamka ay dhigeen Komishanka Doorashooyinku. Wasiir Cakuse wuxuu sidaa ku sheegay Waraysi Uu Siiyay Teleshinka Eryal Tv ee…

Read More

Dacwad Uu Xisbiga KULMIYE Gudbiyey Oo Guddiga Anshaxa Doorashooyinku Kaga Jawaabeen Ganaax Ay WADDANI Dul-dhigeen

Hargaysa 05. October 2017 (SDN/QJ):-Guddiga Ilaalinta Anshaxa Doorashooyinka ee Komiishanka Qaranka, ayaa Ganaax lacageed dul-dhigay Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, kaasi oo lagu eedeeyay inuu olole Sharci-darro ah ka sameeyay Magaalada Balligubadle. Guddiga Ilaalinta Anshaxa ayaa War-saxaafadeed ku taariikhaysan 2-dii bishan Oktoobar, waxay ku sheegeen in Xisbiga WADDANI uu sameeyay Xeerka Anshaxa Doorashada, iyada oo…

Read More

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Xafiiskiisa Ku qaabilay Wefti ka socda Daneeyeyaasha Beesha Caalamka ee Geedi Socodka Dimuquraadiyada SAWIRO

Hargaysa 05. October 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Silanyo ayaa  Xafiiskiisa ku qaabilay Wefti Culus oo ka socday Daneeyayaasha Beesha Caalamka ee Doorashada Madaxtooyada Somaliland oo u muddaysan 13.11.2017ka koobnaa Waddamada Jam. Somaliland ka taageera xagga Horumarka iyo Dimuqraadiyadda. Kulanka waxa Madaxweynaha ku wehelinayey Madaxweyne-ku-xigeenka, Wasiirka Arrimaha Dibedda, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Af-hayeenka Madaxtooyada iyo…

Read More

Shirkii Dooxada Dagaar ee Ceerigaabo oo Lagu Gudoonsaday in Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland lala Baadi Doono qabashada Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ka hor Doorashadda!!

Hargaysa 04. October 2017 (SDN/QJ):- Shirkii ka socday maalmihii u dambeeyay dooxada Dagaar ee deegaanka Ceerigaabo ee gobalka Sanaag ee ay yeesheen beelaha Biciido, ayaa xidhitaankii ka dib waxa qabsoomay shir kale oo ay isugu yimaadeen salaadiinta, cuqaasha iyo waxgaradka beelaha  Muuse Abokor, waxaana la iskula qaatay in wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, lala raadiyo…

Read More

Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Gaal oo Sheegay in Aanay Cidina Boobi Karin  Doorashada, Baaqna u Diray Xisbiyada

Hargaysa 04. October 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa  sheegay  inaanay jirin cid doorashada madaxtooyada boobi kartaa maadaama oo la sameeyay diwaangelin meesha ka saaraysa in dadka qaar codbixinta ku noqnoqdaan. Waxa kaloo uu ka hadlay sababta keentay in aqalkoodu ay muddo-dhaaf badan xilka fadhiyaan. Guddoomiye Saleebaan oo shalay…

Read More

Komiishanka: Ha Is Dilina, Somaliland-na Ha Isku Dilina Faaqidaadda Muuse Jaambiir

Hargaysa 04. October 2017 (SDN/QJ):- 13 novembar 2017 waa maalin tirsiimadda inaga xigtaa yar tahay. Maalintan waxa Somaliland ka dhacaya doorasho madaxtooyo oo ay hogaaminta dalka ugu beretamayaan saddex Murrashax. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro), Muuse Biixi Cabdi iyo Faysal Cali Waraabe waa saddexda nin ee ummadda milaygan hor-taagan. Mid kastaaba wuxuu doonayaa inuu Madaxweyne u noqdo…

Read More

Wasiirka Madaxtooyadda JSL Oo Dhagax Dhigay Cisbitaal Weyn Oo Laga Dhisayo Ceel-afweyn Kana Hadlay Sida Ay Uga Go’an Tahay Xukuumad ahaan Fulinta Go’aamadii Nabadda Ee Deegaamadaasi DAAWO

Ceel-afweyn 04. October 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaarada  Madaxtooyadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo hoggaamiyey  wefti balaadhan oo Xukuumadda Somaliland ka tirsan ayaa magaalada Ceel-afweyn ka dhagax dhigay Cisbitaal weyn. Mashruuca cisbitaalkaasi oo ay maal-galinayso dawladda Imaaraadka Carabta ayaa dhawaan si rami ah loo bilaabayaa, sida uu shaaciyey Wasiirka oo ka hadlay munaasibad loo qabtay dhagax…

Read More

Taxanihii Qisaska Nolosha iyo Tusmadii Xusuus Qor Dhakhtar Ilkood ‘’ Haweenkii Hore ee Islaamka’’ Kala Soco Qurbejoog.com {DAAWO}

Hargaysa 04. October 2017 (SDN/QJ):- Waa Qormadii Taxanaha ahayd ee Xusuus Dhakhtar Ilkood oo ay inoo Soo diyaariso Drs Hibaaq C.raxmaan Buubaal oo ah Dhakhtarad Aqoon durugsan u leh Xanuunada Ilkaha kana Shaqaysa Magaalada Hargaysa. Waxay Taxanahan inoogu soo bandhigaysaa Khibrad ay ka heshay Mudadii ay ka shaqaynaysay Mihnada dhakhtarnimo,Waxaana si Joogto ah Taxanahan idiinku…

Read More

Waxgaradka Beelaha Haashin Abokor Ee Arab Oo Beeniyay Inay Beeshu Taageertay Xisbiga Kulmiye & Suldanka Beeshaas Oo Arinta Kulmiye Meel Adag Iska Taagay!!

Hargaysa 04. October 2017 (SDN/QJ):- Haldoorka iyo Waxgaradka Beelaha Haashin ayaa ganafka ku dhuftay kulan koox gaar ah maalintii shalay soo abaabushay kaas oo ay ku sheegeen in beeshu ay taageersantahay xisbiga kulmiye haldoorka iyo waxgaradka beelaha haashin waxay sidaas ku sheegaan bayaan ay soo saareen waxaana uu u dhignaa sidan :- ” Nimanka Afka…

Read More

“Maanta Nasiib Weyn Waxaynu U Helnay In Garadag Aynu Ka Dhagax Dhigno Jaamacad Qiimo Weyn Leh, Oo Ay U Baahnayd.” Wasiirka Madaxtooyada Somaliland DAAWO

Gar-adag 04. October 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaarada  Madaxtooyadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo hoggaamiyey  wefti balaadhan oo Xukuumadda Somaliland ka tirsan ayaa magaalada Garadag ka dhagax dhigay Jaamacad ay dadweynaha deegaankaasi dhisanayaan. Wasiirka Madaxtooyada ayaa sheegay in Jaamacaasi ay degmada Garadag u baahayd, isla markaana Xukuumad ahaan soo dhawanayaan dhismaheedana ay ka qayb qaadanayaa. Wasiirka…

Read More

Mid ka mid ah Madaxweyne-yaasha Caalamka oo soo Bandhigay Khibradiisa Milateri ee Shakhsiga ah si uu u Baqo geliyo Ururka Daacish!!

Hargaysa 04. October 2017 (SDN/QJ):- Cajalad maqal iyo muuqaal ah ayaa laga daawaday madaxweynaha dalka Turkmenistan Qarbangli Baraadi Maxamedoof oo samayanay dhoollatus shakhsi ah, oo lagu tilmaamay u diyaargarowga dagaalka ururka DAACISH. Fiidyowgan uu Wargayska Geeska Afrika daawaday ayaa talefishanka Aljasiira oo sii daayey waxa uu ku magacaabay, “Fiidyow dacaayad ka dhan ah DAACISH”  Waxa…

Read More

Xukuumadda Ruushka oo Ku Hanjabtay inay Dalkeeda Ka Mamnuuci doonto Face-book Sannadka 2018 & Sababta Dhalisay

Moscow 04. October 2017 (SDN/QJ):- Wakaaladda la socoshada internet ka ee dalka Ruushka ayaa salaasadii ina dhaaftay soo saaray digniin ay ku sheegayaan in sannadka 2018 uu Ruushku xidhi doono burkulanka bulshada ee Facebook, haddii aanay u hoggaansamin shuruucda shuruucda dalkaas ee la xidhiidha kaydinta xogta dadka Ruushka ah. “Sharcigaas ku dhaqankiisu waa ku waajib…

Read More

Tilmaamo Fajiciso ah oo Laga Tabiyey Ninkii Dadka Badan ku Laayay Las Vegas ee Dalka Maraykanka!!!!

Las Vegas 04. October 2017 (SDN/QJ):- Weerarkii  Las Vegas ayaa noqday  kii  ugu xumaa taariikhda casriga ah ka dhaca  Maraykanka, waxaana  lagu dilay 59 qof , halka  500 oo ruuxna  lagu dhaawacay. Weerarkan oo uu geystay  nin caddaan ah oo lagu magacaabo Stephen Paddock, oo 64 jir ahaa oo la weriyay inuu ahaa nin ladan…

Read More

Gobolka Xornimo u Dirirka ah ee Catalonia oo Beesha Caalamka ka Dalbaday Inay Dhex dhexaadin ka sameeyaan Diidmada ay kala Kulmeen Spain

Barcelona 04. October 2017 (SDN/QJ):- Wararka ka imanaya gobolka Catalonia ee dalka Spain ayaa sheegaya in dibad bax balaadhani uu ka qabsoomay gaar ahaan magaalo madaxda Barcelona ee gobolkaasi, iyadoo lagaga cabanayo xadgudubyo la sheegay in ay geysteen ciidamada amaanku, markii ay carqalad ku noqdeen aftida ay codkooda ku dhiibanayeen dadku. Dibad baxan oo si…

Read More