Badhasaabka Gobolka Maroodijeex Oo Amaro Adag Dul Dhigay Ciidamada Amaanka Somaliland DAAWO

Hargaysa 31. August 2017 (SDN/QJ):- Badhasaabka gobolka Maroodijeex mudane Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug ayaa ciidamada amaanka ku amray inaanay kaantaroolada ka gudbin dhalinyarada kooxaha u wada socda ee wiilasha iyo hablaha leh, ee doonaya inay ku soo ciidaan gobolada kale. Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuux Badhasaabka gobolka Maroodijeex waxaa uu ciidamada abniga ku amray inay hakiyaan wiilasha iyo gabdhaha…

Read More

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Soo Saaray Wareegtooyin Saamayn Ku Yeeshay Wasaaradaha Dawladda,Tiro badan oo Agaasimeyaal ah oo uu Shaqada ka Joojiyey Iyo Maamulo uu Si gaar ah u Bartilmaameedsaday

Hargaysa 31. August 2017 (SDN/QJ):- Ku simaha Madaxweyne Siilaanyo ahna Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland ayaa dhawrkii Cisho ee u danbeeyay waxa uu soo saaray Wareegtooyin ku saabsan Sidii ay Wasaaradaha iyo Hay’ada Dawladu u soo Gudbin lahaayeen Waxqabadkii intii u dhaxaysay 2010-kii ilaa 2017 maadaama uu gabaabsi yahay Mudo xileedkii Madaxweynuhu. Mudane C.raxmaan Saylici waxa…

Read More

Wasiiro,Gudoomiyeyaal & Mas’uuliyiin Sare oo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka tirsan oo ay Dhaqan u Noqotay inay Warbaahinta Isaga Jawaabaan & Sawirka Xun ee ay ka Bixinayaan Kala Danbaynta Dawladnimo & Talaabo laga rabo in Hogaanka Qaranku Dheg xumidaas kaga Gilgisho DAAWO

Hargaysa 31. August 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Muuqata in badan oo ka mid ah Madaxda ka hoos shaqaysa Madaxweyne Siilaanyo inay Lumiyeen haybadii dawladnimo ee kala danbaynta ahayd Isla markaana ay Warbaahinta isu mariyaan Jawaabo kala gedisan oo cunfiga dawladnimo waxyeelo ku ah. Arrintani Waxay dhaawac ku tahay Milgaha dawladnimo Waxaana looga Fadhiyaa Madaxweyne Siilaanyo iyo…

Read More

‘’Xildhibaanka Ugu Yar waxaa la Siiyay 5 Kun oo Dollar Waxaana Lacagta Lagu Qaybinayay Guriga Madaxweyne Ku Xigeenka Iyadoo uu Dagaalkaas hor kacayay Wasiirka Madaxtooyadu’’ Xildhibaan Hufane DAAWO

Hargaysa 31. August 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaan Xasan Muuse Hufane oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland isla markaana ahaa Xildhibaankii Kula Tartamay Gudoomiye Ku xigeenka Cusub ee Golaha Wakiiladda ee axadii loo doortay Mudane Axmed Yaasiin Sheekh Cali ayaanle ayaa cadeeyay in Muddadii uu Khilaafku ka taagnaa golaha wakiiladda in xukuumadu ku bixisay dhaqaale…

Read More

Somaliland: ”Heshiis Lagama Gaarin Maamulka Hawada, Waxaana Gacanta Ku Haysa Hay’adda Qaramadda Midoobay ee ICOA” & Nuxurka Waraysi uu Bixiyey Wasiirka Duulista Hawada DAAWO

Hargaysa 31. August 2017 (SDN/QJ):- Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland ayaa sheegtay in ay Hay’adda QM u qaabilsan duullimaaddada madaniga ah ee ICOA ay maamulka hawada sii hayn doonto ilaa sannadka dambe, isla markaana aan wali heshiis laga gaadhin cidda lagu wareejinayo maamulka. Wasiirka wasaaradda duulista iyo Hawada Somaliland Farxaan Aadan Haybe ayaa VOA u…

Read More

Ilaa Laba Milyan oo Xujaaj ah Isla Markaana Gudanaya Waajibka Xajka oo Maanta Taagnaa Buurta Jamalu Carafo

Maka 31. August 2017 (SDN/QJ):- Dad Muslimiin ah oo kor u dhaafaya illaa Laba milyan oo ruux ayaa maanta dul taagnaa Buurta loo yaqaano Carafa ee dalka Boqortooyada Sacuudiga, kuwaasoo ka kala yimid dalal aad u kala fog oo ku kala yaalla caalamka Islaamka, iyagoo gudanaya waajibaadka Xajka sanadkan. Xajka oo ka mid ah shanta tiir ee asaaska…

Read More

Wasiirka Boosaha Somaliland oo Mar Kale Ku Celiyey Balanqaad ay Xukuumadda Siilaanyo Ku Fashilantay Digniina u Diray Shirkado Cashuurtii ku waajibtay bixin waayay DAAWO

Hargaysa 31. August 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Somaliland Mudane Mustafe Faarax Abraar iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi Faysal Cali Sheekh oo Kulan Warbaahineed ku qabtay Xarunta Wasaaradda Boosaha ayaa digniin u diray Qaar ka mid ah Shirkadaha Isgaadhsiinta iyo kuwa Agabka Boosaha u kala qaada Gobolada dalka oo aan Bixin Cashuurihii ku…

Read More

‘’Waxaa Jira Wefti Uu Hogaaminayo Wasiirka Ciyaaraha Jabuuti Oo Aanu Marti Qaadnay Hargaysa inay Yimaadaan’’ Wasiirka Ciyaaraha Somaliland DAAWO

Hargaysa 31. August 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Mudane Cabdirisaaq Waabari Rooble ayaa sheegay in uu ka hadlay Garoomadda dalka iyo sidii loo qalabayn lahaa in ay meelo badan xidhiidh la sameeyee oo xataa ay filayaan in uu u Hargaysa yimaado wasiirka ciyaaraha jabuuti oo ay marti qaad u sameeyeen. https://www.youtube.com/watch?v=_ZE-gJ8AXic

Read More

‘’Labada Wasiir ee Duulista Iyo Hawlaha Guud waxaan leeyahay heshiiya, oo halkaas khilaafka ku damiya, waxaana leeyahay arintaas yaan dib loo maqlin, oo halkaas ha lagu damiyo, Diyaaradana shaqo kuma laha Cali’’ Wasiirka Gaashaandhiga

Hargaysa 31. August 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami, ayaa ka digay wax walba oo dhib ku ah dibna u dhigi kara Doorashada Madaxtooyada iyo Dimuqraadiyada Somaliland, waxaanu si gaar ah uga hadlay khilaafkii Golaha Wakiilada ee la xaliyey, isagoo sheegay inuu si gaar ah ugu mahadnaqayo cidii khilaafkan xalisay. Wasiirka Gaashandhiga…

Read More

Ururka Rayislayaasha amase Timo Jarayaasha Somaliland oo Cabasho Xoogan ka Muujiyey Ajaaniib Shaqooyinkoodii La Wareegtay & Digniin adag oo Gudoomiyaha Ururkaasi Diray DAAWO

Hargaysa 31. August 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Ururka Rayislayaasha ama Timo-jarayaasha Somaliland Deeq Daahir Faarax, ayaa sheegay inay dalka ku soo badanayaan dadka ajaanibka ah ee Timo-jarayaasha, waxaanu Xukuumadda ugu baaqay inay wax ka qabato, oo ay kaga dhabayso balan-qaadkeena ah inay muhiimadda kowaad siinayso dadka muwaadiinta ah. Guddoomiyaha Ururka Timo-jarayaasha Somaliland Deeq Daahir Faarax, ayaa…

Read More

Shirkada Flydubai oo Markii Kowaad Ka Hadashay Dhacdadii Madaarka Cigaal ee Hargaysa ee lagaga reebay Haweenay iyo Ilme yar oo ay Dhashay Diyaaradood oo Dood badan dhalisay

Dubai 31. August 2017 (SDN/QJ):- Shirkadda flydubai ee duulimaadyada ku timaada garoonka Cigaal ee Hargeysa ayaa ka hadashay dhacdo jimcihii toddobaadkan ka dhacday madaarka Hargeysa  oo diyaaradda lagaga reebay gabadh reer Somaliland ah oo Ingiriiska ku sii jeeday taas oo sababtay muran iyo doodo badan. Warsaxaafadeed ay shirkadu soo saartay waxay ku sheegtay in ahmiyada…

Read More

Ahmiyada ay Diinta Islaamku Siisay Maalinta Cashuura oo Maanta Ku Beegan DAAWO

Hargaysa 31. August 2017 (SDN/QJ):- Nabigeena Suuban Nabadgelyo iyo Naxariisi Korkiisa ha ahaatee, wuxuu inuu jeediyey oo Sunno nooga yeelay inaan Soono maalmo aan ahayn Bisha Radaman. Waxaa maalmahaas ka mid ah Maalinta Cashuura. Hadaba Maalinta Caashuuraa aan ka barano Saxaabigii Waynaa ee Mucaawiyah Binu Abi Sufyaan Ilaahay Raali haka noqdee. Wuxuu Yiri Mucaawiye:  …

Read More

Xukuumadda oo La Sheegay inay Xaraashtay Xaruntii Baanka Ganacsiga Ee Somaliland & Ciidanka Booliska oo Hawlgal ka Fuliyey Meheradihii Iyo Gaadiidkii La Hordhigi Jiray

Hargaysa 31. August 2017 (SDN/QJ):- Qaar ka tirsan Ciidanka Bilayska Somaliland ayaa hawlgal ka fuliyay Xarunta Dhismaha Baanka Ganacsiga Somaliland ee Magaaladda Hargeysa, Waxa ay xoog uga dhaqaajiyeen Gaadiid badan oo ku hor adeegan jiray baanka hortiisa iyo Meherado ganacsi oo yar yar kuwa shaaha laga cabo ah oo sanadii u dambeeyay ku shaqayn jiray…

Read More

“Tartankii Guddoomiyeyaasha Golaha Wakiilladu Waxay Ku Tusaysaa, In Isaaqii Hunguriga weynaa Dib u Joogsaday..” Faysal Cali Waraabe

Hargaysa 31. August 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay Ahmiyadda ay leedahay in Qofka bani-aadamka ahi uu noqdo Xalaal Miirad ama uu ku noolaado Arsaaqad Xalaal ah isla-markaana uu Ubadkiisa iyo Ehelkiisa kala cararro wixii Xaaraan ah. Musharraxa Xisbiga UCID  ayaa ka warramay in Xilligii Dawladdii…

Read More

Madaxweyne Farmaajo oo La Sheegay inuu Ka Dhego adaygay Dalab uga Yimid Itoobiya oo rabtay in lagu soo wareejiyo Hogaamiye ONLF ah iyo Warbaahinta Itoobiya oo si weyn wax uga qortay

Muqdisho 31. August 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa diidey in magaalada Muqdisho laga ka xeeyo ,Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) oo la sheegay inuu ka mid yahay saraakiisha ururka ONLF. Ciidamo ka tirsan nabadsugidda federaalka ayaa toddobadkii hore ka soo saarey sarkaalkan xabsi ku yaalla magaalada Gaalkacyo,waxaanna hadda la xaqiijiyay in lugu…

Read More

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani & Siyaasi Xasan Codyare oo Tooshka ku Ifiyey Arrimo Muhiim ah oo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Indhaha Ka Lalinayso

Hargaysa 31. August 2017 (SDN/QJ):- Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcadde iyo Xasan Xuseen Maxamed (Codyare), oo ka tirsan Masuuliyiinta Xisbiga Waddani, ayaa dhaliilo culus u  jeediyey Xukuumadda, waxayna ka hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan sicir bararka taagan, qiimaha sarifka ee kacsan, khilaafkii Golaha Wakiilada ee la xalliyey, Doorashada Guddoomiye ku…

Read More