Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh oo Ku Soo Laabtay Magaaladda Hargaysa Iyo Xisbiga Ucid Iyo Mas’uul ka Socday Xukuumadda oo Soo Dhawayn Ku Maamuusay DAAWO

Hargaysa 01. June 2017 (SDN/QJ):-Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh ayaa Mar Kale Waxa uu Socdaal Ku Yimid Caasimadda Somaliland ee Hargaysa Kadib Markii uu Ka Soo Kicitimay Waddanka Kenya oo uu Dhawrkii Cisho ee u danbeeyay Ku Sugnaa. https://www.youtube.com/watch?v=wN6Xa4pTCoA

Read More

Guddoomiyaha KULMIYE oo ka Qaybgalay Tartannada Ramadaanta ee Garoomada Degmooyinka Macallin Haaruun, Gacan-libaax, 26-ka June iyo Koodbuur SAWIRO

Hargaysa 01. June 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qabgalay tartannada Kubadda Cagta bisha Ramadaan ee ka socda garoomada degmooyinka Macallin Haaruun, Gacan-libaax, 26-ka June iyo Ibraahim Kood-buur, kuwaas oo ka mid ah tartannada lagu qabanayo gobollada dalka oo dhan oo agabka lagu ciyaarayo uu bixiyey xisbiga…

Read More

Wasiirka Hawlaha Guud Oo Soo Saaray Wareegto Uu Ku Joojinayo In Gaadiidka Dawladda Lagu Xidho Taarikada Rayidka Akhri

Hargaysa 01. June 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud, Gaadiidka iyo Guryeynka Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali-mareexaan), ayaa soo saaray Digreeto uu ku mabnuucayo in Gaadiidka Dawladda lagu xidho Taarikada cad ee Gaadiidka Rayidka. Wasiirka Hawlaha Guud oo Digreetada soo saaray, ayaa Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda u soo jeediyey inay dhaqan-geliyaan Wareegtadan isla-markaana soo xereeyaan…

Read More

BURCO Oo Xaalad Deg-deg Ah Oo Caafimaad La Geliyey, Shuban-biyoodka Oo Meel Halis Ah Maraya, Dugsiyada Oo La Fasaxay & Dhakhaatiir La Dhigayo Kaantaroollada

Burco 01. June 2017 (SDN/QJ):-Cudurka Shuban-biyoodka oo ka Dillaacay Magaalada Burco iyo deegaannada ku xeeran ee Gobolka Togdheer, ayaa markii uu Labadii Maalmood ee u dambeeyay ay u dhinteen 24 Qof isla-markaana uu soo ritay Dad ka badan 158 Qof, waxa Magaalada Burco lagu soo rogay Xaalad Deg-deg ah oo wax lagaga qabanayo Xanuunkaasi. Kulan…

Read More

Guddida Ka Soo Kabashada Abaaraha Oo Maanta Kulan Isugu Yimid Madaxtooyada Ayaa Warbiximo Ka Dhegeystay Xubno Ka Mida Guddida SAWIRO

Hargaysa 01. June 2017 (SDN/QJ):- Guddida ka soo kabashada abaaraha oo weli ku gudo jira dedaalkoodii qaadhaan ururinta ayaa kulan ku yeeshay maanta oo ay taariikhdu tahay 01.06.2017 madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu kulankaasi daba socday kulamadii hore ee guddidu sida joogtada ah marwalba ugu kulmi jireen qasriga madaxtooyada.   Haseyeeshee kulankani waxa uu kaga duwanaa…

Read More

Ethiopia Eyes Obtaining Partial Share Of Berbera port ‘’ Ethiopian Minister of Transport

Addis Ababa 01. June 2017 (SDN/QJ):- Ethiopia is looking to be part of the tripartite investment and shareholders in Berbera Port of Somaliland that was previously managed by the Dubai based DP World and the Somaliland government. Recently Somaliland media outlets quoted Hussein Ige Dayr, spokesperson for the president of Somaliland, stating that Ethiopia will…

Read More

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Cafis u Fidiyey 87 Maxbuus oo Ku Jira Xabsiga Burco Kadib Markii uu Cudurka Shuban Biyoodku ka Dilaacay DAAWO

Hargaysa 01. June 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa la sheegay inuu Shalay Xabsiga Burco ka sii daayay 87 Maxbuus oo ku Jiray Xabsigaasi Kadib Markii uu Cudurka Shuban Biyoodku ka dilaacay Xabsigaas isla markaana ay u dhinteen Tiro Maxaabiis iyo Askar isugu Jirtay

Read More

Doodii Ugu Adkayd ee Madaxweyne Siilaanyo Dharaarihiisii Mucaaridnimo, Weerarkii Faysal Iyo Difaaca Xukuumadii Xiligaas ee Daahir Rayaale Kaahin DAAWO

Hargaysa 01. June 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha haatan ee Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Lagu Xasuustaa Hogaamintiisii adkayd ee Maalmihii Nolosha Mucaaridnimo ee uu hor kacayay Xisbiga haatan talada haya ee Kulmiye Wuxuu Weedho Siyaasadeed oo dhinbiisha ka Kulul ku gani jiray Xukuumadii Xiligaas ee Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, Sidoo Kale Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka…

Read More

Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay Inay Heshay Jidkii Lagu Walaalayn Lahaa Beelaha Koonfurta Sool, Ka Dib 66 Oday Oo Laascaanood La Isku Hor-fadhiisiyey

Laascaanood 01. June 2017 (SDN/QJ):-Xukuumadda Somaliland, ayaa dedaal ugu jirta sidii loo soo Af-jari lahaa Colaadda muddada dheer u dhaxaysay Labada Beelood ee Bahararsame iyo Qayaad (Dhulbahante), kuwaasi oo Laba Bilood ka hor Xukuumaddu Colaaddooda ka soo saartay Go’aamo wax lagaga qabanayo. Wasiirrada Wasaaradaha Gaashaandhigga Axmed Xaaji Cali Cadami, Arrimaha gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir…

Read More

Burco:Shuban-Biyood Faro-baas Ku Haya Shacabka Togdheer, 24 Qof Oo 48-kii Saacadood Ee U Dambeeyay U Geeriyooday & Dadka U Jiifa Goob Laga Sameeyay Burco

Burco 01. June 2017 (SDN/QJ):- Cudur-ka Shuban-biyoodka ayaa faro-baas ku haya Shacabka ku dhaqan Gobolka Togdheer, gaar ahaan Magaalada Burco iyo deegaannada ku xeeran. Cudurkan, ayaa 48-kii Saacadood ee u dambeeyay Magaalada Burco ku dilay 24 Qof oo Shan ka mid ahi yihiin Maxaabiis ku jirtay Xabsiga dhexe ee Magaaladaasi, sidaana waxa Laanta Afka Soomaaliga…

Read More

Guddoomiyaha KULMIYE oo Farriin Baaq la Xidhiidha Xannuunka Shuban-biyoodka u Diray Shacabka DAAWO

Hargaysa 01. June 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa farriin baaq ah oo ku aaddan cudurka Shuban-biyoodka ka dillaacay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer oo ay tiro dad ahi ugu dhinteen, in kale oo badanina u jiifaan u diray shacabka reer Somaliland, dawladda iyo hay’adaha caalamiga ah….

Read More

Hargeysa: Guddiga Wanaag-farista Oo U Digay Dadka Bisha Ramadaan Kariya Cuntada Xaaraanta Ah

Hargaysa 01. June 2017 (SDN/QJ):- Guddiga Wanaag farista iyo Xumaan-reebista Somaliland, ayaa farriin digniin ah u diray Dadka inta lagu jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan Cuntooyinka ku kariya meelaha Leexsan, si ay uga iibiyaan Dadka aan Soomin, taasi oo Sharci-darro ah, maaddaama oo lagu jiro Bil Dadka oo dhami Sooman yahay. Guddiga Wanaag-farista oo kaashanaya…

Read More

‘’Waxaan Anigu Noloshayda Ku Dabari Jiray Dawaarka oo aan bartay, Waxaan Markii danbe isku dayay dhinaca ganacsiga waxaan ka mid ahaa dadkii bilaabay Suuqa Shiraaqle ee Magaaladda Hargaysa’’ Hal abuur Maxamed Nuux Dacar

Hargaysa 01. June 2017 (SDN/QJ):- Hal abuur Maxamed Aadan Dacar Waa Mid ka mid ah Haldoorka iyo Foolaadka fanka Somalida Isla markaana wax badan ku soo Kordhiyey,Wuxuu Soo Taagnaa Masraxa Suugaanta Soomaalida Mudo Ka badan 60 Sannadood ilaa iyo hadana waxa uu ku jiraa bah’da suugaanleyda. Maxamed Aadan Dacar Waa Midhe Sameeye suugaaneed,Sidoo Kale Waa…

Read More

“Guddiga taakulaynta abaaraha waxa loo samaayey kalsooni darro ma ahayn laakiin Waxa ay ahayd in Xooga, Maskaxda, iyo Mururqa bulshda qarankan la Mideeyo.” Wasiirka Madaxtooyada JSL DAAWO

Hargaysa 01. June 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka wasaaradda madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa yidhi  “ Ujeedada ugu weyn ee munaasibadan loo qabtay waxa ay ahayd guddigii taakulaynta abaaraha qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu magacaabay in ay halkan ku soo bandhigaan xisaab celin iyo tallo bixin. Wixii soo galay xoolaha ummadda…

Read More

Booliska Boosaaso oo Gacanta ku dhigay Walxo Casri ah oo Qaraxyada loo adeegsado iyo Niman Watay DAAWO

Boosaaso 01. June 2017 (SDN/QJ):- Taliska Ciidammada Booliska Puntland ee gobolka Bari, ayaa magaalada Boosaaso ku soo bandhigay Qalab kala duwan oo noocyada Qaraxyada lagu fuliyo ah oo ay Ciidammada Ammaanku ku qabteen Gaadhi Qudaar geeyey Boosaaso oo lagu dhex-qariyey Walxahaas oo kala duwan oo kuwo casri ahi ku jiraan iyo laba Nin oo Agabkaas…

Read More

Wasiirka Maaliyadda Dawlada Federaalka Somalia Oo Saxaafada Uga Warbixiyey 60-Kii Maalmood Wixii U Qabsoomay

Muqdisho 01. June 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa shir jara’id ku qabtay xarunta Wasaarada, wuxuuna uga hadlay horumarada ay Wasaaraddu samaysay 60-kii casho ee u danbaysay sida: kordhinta dakhliga, qaadashada mushaaro joogta ah, isbadalo lagu sameeyey shaqaalaha ka howl gala Dekeda iyo garoonka iyo horumarada dowladu ay ka samaysay cafinta…

Read More