“Saleebaan Iyo Xaaji Cabdi-na Iyo Kooxdaasi Shaqo Kaleba May Qaban intii Dalka Lagu Soo Noqdey Waa Muddo Kordhin Waxay Goor Walba Ka Shaqeeyaan,Sicir Bararkana…..”Ex-Wasiir Maxamed Xaashi

Hargaysa 24. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Ex-wasiir Maxamed Xaashi Cilmi,oo qaybo ka mid ah warfidiyeenada kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa waxaa uu eedeymo Cul-culus u jeediyey golaha guurtida Somaliland waxaana uu ku sifeeyey shakhsiyaad aan aheyn qaar xishoonaya isla markaana shaqadoodii ku soo koobay muddo kordhin. Ex-wasiir Maxamed Xaashi Cilmi,ayaa eedeymo aan kala go’ahayn ku garaacey…

Read More

Awaamiir Midowga Yurub Fareen Madaxweyne Axmed Siilaanyo inuu Dabaqo & Nuxurka Fariimahaas oo uu Ka Warbixiyey Wasiirka Arrimaha Dibadu DAAWO

Hargaysa 24. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa ka warbixiyay wafti balaadhaan oo ay hogaamineyso safiirka midowga Yurub oo kulan kula qaatay madaxweynaha qasriga madaxtooyada. Waxaanu sheegay in ujeedada socdaalkoodu ay aheyd xog ogaal u noqoshada xaalada abaareed iyo ta doorashada. Waxaanu wasiirku sheegay in waftigan ay kala hadleen…

Read More

“Muuse Kursigaa U muuqde Uma Muuqdan Dadka Abaaraysani,Xisbigii KULMIYE Wuxuu Noqdey Xisbi Jeel Majnuun Ah” DAAWO

Burco 24. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Munaasibad ballaadhan oo degmada Burco ee xarunta gobolka Togdheer loogu qabtey garabkii aqlabiyadda ee ka soo go’ay xisbiga UCID. Munaasibadan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa ka soo qayb galey saraakiisha sar-sare ee xisbiga WADDANI. Guddoomiyaha haweenka ee xibiga WADDANI ee gobolka Togdheer Marwo Laki…

Read More

Xarun Lagu Xannaaneeyo Harima-Cadka oo Laga Furay Mid Ka Mid ah Magaalooyinka Somaliland + Dareenada ay Dadweynuhu ka Bixiyeen DAAWO

Boorama 24. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Midka ka mida magaalooyinka ugu caansan Somaliland ayaa waxaa laga sameeyay xero lagu xanaaneeyo Harima-cadka. Dadweynaha ku dhaqan magaaladaasi ayaa dareeno kala duwan ka bixiyay, arintan Harimacadka goobtani lagu xanaaneynaayo iyaga oo dadka intooda badani aragtida ay qabeen ay tahay inuu ahaa Shabeel.   Magaaladan laga furay madashan lagu xanaaneeyo Harimacadka…

Read More

‘’Siilaanyo Sharciga Dalka Ma aha,Waxna kama Bedeli Karo,Muuse Biixi,Cirro iyo Faysal Midna Distoori ma aha,Maxkamad ayaa Xukuntay Doorashada oo Wax ka Bedeli Karta’’ Boqor Buur Madow

Hargaysa 24. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow, oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa sheegay in arinta Doorashada aanay awood u lahayn inay ka hadlaan ama wax ka bedelaan  Madaxweynaha, Axsaabta Qaranka iyo Komishanka Doorashooyinku, waxaanu tilmaamay in Maxkamada sare ee Somaliland oo qudhi wax ka bedeli karto, marka loo eego sharci…

Read More

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo Waxba Kama Jiraan Ku Sifeeyay Deegaano Somaliland ka Tirsan oo Maamul Goboleedka Punt land Sheegatay

Hargaysa 24. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa waxba kama jiraan ku sheegay war maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland uu ku sheegtay in uu ku sugan yahay deegaanno ka tirsan gobolka Badhan oo ay sheegatay Puntland in ay ka tirsan yihiin isla markaana ay ka fulisay gurmad…

Read More

Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Maroodijeex oo Mar Kale Gudo Gashay Dhagaysiga Dacwad loo haysto Mas’uuliyiinta Wargayska Hubsad & Dareenka Daneeyeyaasha Xuquuqul Iinsaanka

Hargaysa 24. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Maxkamada racfaanka gobolka Maroodi Jeex ayaa bilowdey dhagaysiga kiiska racfaan ah oo ka soo gudbey heerka darajada maxkamada koobaad ee gobolka oo loo haysto masuuliyiinta Wargayska Hubsad oo hore Maxkamada Gobolka ay ugu wayday Eedaymo kala duwan oo ay ku soo Oogtey Xeer ilaalinta Guud ee Qaranka Somaliland,balse markii waxba…

Read More

Somaliland: Haweenay Ajaanib Ah Oo Lagu Eedeeyay Inay Caqabad Ku Tahay Iibka Beenyada

Ceerigaabo 24. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Dadka ka Shaqeysta Beerista iyo iibinta Beenyada ee ku dhaqan gobolka Sanaag ee Somaliland, ayaa werwer ka muujiyey waxa noloshooda ku dhici kara haddii la joojiyo iib-geynta Beenyada. Werwerka Dadkani ka qabaan in laga joojiyo inay iibiyaan Beenyada u soo go’da, ayaa timid ka dib, markii Haweenay Ajaanib ah oo…

Read More

Tirada Dadka Gaajo, Harraad iyo Xanuunno Abaarta ka dhashay ugu Dhintay Somaliland & Labadii u dambeeyey

Hargaysa 24. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Laba Carruur ah oo da’doodu u dhaxayso 7 sano jir iyo 13 sano jir, ayaa Gaajo iyo Harraad ugu dhintay deegaan dhinaca Koonfureed ka xiga magaalada Badhan ee Barriga gobolka Sanaag, halkaas oo ka mid ah dhulka ay Abaaraha Somaliland ka jiraa sida ba’an u saameeyeen Dadka iyo Duunyadii ku…

Read More

Raxan Daanyeero Ooman oo Bidhaansanaya Xoolaha Nool ee Gobolka Sool iyo Xaalada abaarta oo ka sii daraysa

Laascaanood 24. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Daayeer raxan-raxan u socda ayaa weerar ku qaadaya oo xoolaha iyo raashinkaba ka cunaya xoolo-dhaqatada ku nool miyiga degmooyinkaXuddun iyo Laascaanood ee gobolka Sool.   Weerarradan oo uu billaabay saddexdii bilood ee la soo dhaafay ayuu kordhiyay toddobaadyadii u dambeeyay, maaddaama ay abaartu ka sii darayso. Abaartaas oo ka dhalatay…

Read More

Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Mr Ramaax oo Amarok u Soo Rogay Huteelada Magaaladda Burco & Ujeedada uu Ka Leeyahay

Burco 24. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Badhasaabka gobalka Togdheer Md.Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa si cad isu hor-istaagay xaflad soo dhaweyn ah oo Xisbiga WADDANI uu hotel Kaafi ee magaalada Burco ugu sameynaayey garabkii aqlabiyadda Xisbiga UCID ee gobalka Togdheer oo halkaasi kaga dhawaaqayey in ay ku soo biiraan Xisbigaasi.   Ma jiraan ilaa hada wax…

Read More

“WADDANI Waxa Ku Jira Kuwii Xamar Ka Yimid, Kuwii KULMIYE Ka Cadhooday, Mus-dambeedkiisu Waa UDUB, Cirro Waa UCID, Markaa Maaha…” Eng Faysal Cali Waraabe

Hargaysa 23. Janaury 2017 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ahna Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbigaasi Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Shacabka Somaliland ay Musharraxiinta Madaxweyne-nimo ee Xisbiyada ku kala dooranayaan Waxyaabaha ay Dadka iyo Dalka u soo qabteen ee Taariikhda ugu jira, laakiin aanay siyaasad iyo Dawladnimo ahayn in Xisbiyadu soo urursadaan taageerayaal lagu soo…

Read More

Nuxurka Kulan Balaadhan oo Dhexmaray Golaha Guurtida iyo Gudoomiyaha Baanka Dhexe & Qorshayaasha Wax ka qabashada Sicir bararka DAAWO

Hargaysa 23. Janaury 2017 (SDN/QJ):-Gudoomiyaha Baanka dhexe ee Somalilnad Md Maxamed Cabdi Ibraahin ayaa maanta hortegay Gudida joogtada ah ee golaha guurtida waxana uu uga warbixiyey qorshayaasha xukuumadu waddo ee lagu doonayo in wax lagaga qabto sicir bararka iyo qiimaha sarifka doolarka ee maalinba ta xigta kor u sii kacaya.

Read More

Madaxweynaha Cusub ee Maraykanka Donald Trump oo Maxkamad lala korayo Xili uu xilka hayo Maalmo kooban

Washington 23. Janaury 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa wali wajahaya dhibaato kaga imanaeysa dhinaca sharciga iyo sidoo kale dadka kasoo horjeeda in uu Hogaamiyo dowlada Mareykanka. Donald Trump ayaa xilka Madaxweynaha dalka Mareykanka si rasmi ah ula wareegay 20-kii bishan, waxaana Madaxweynaha cusub ayaa wajahaya culeesyo badan ay ku jiraan dacwado laga…

Read More

Guddoomiye CIRRO Oo Madaxweynaha Ku Amaanay Inuu Xisbiyada Mucaaradka Ah Ku Raacay In Doorashada Dib Loo Dhigo

Hargaysa 23. Janaury 2017 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka hadlay Xaaladaha is-biirsaday ee Shacabka Somaliland ku jiraan, sida Abaarta Adag ee Dalka ka jirta, Dhoofka Xoolaha ee la joojiyey iyo Sicir-bararka Doollarka. Guddoomiye Cirro oo Shalay khudbad ka jeediyey Munaasibad uu Xisbiga WADDANI ku…

Read More

Madaxweyne Trump Oo Ka Cadhooday Sawir La Isku Barbar-dhigay Tirada Dadkii Ka Qayb-galay Dhaarintiisii Iyo Tii Obama

Washington 23. Janaury 2017 (SDN/QJ):-Warbaahinta dalka mareykanka, ayaa si cadho leh uga jawaabay hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha cusub Donald trump. Madaxweynaha ayaa warbaahinta ku eedeeyay inayna daacad ahayn, ka dib markii ay ka warrameen in dad badan ayna ka qeybgalin munaasabaddii lagu dhaariyay. Trump ayaa sheegay in 1.5 milyan oo qof ay ka qeybgaleen munaasabadda,…

Read More

Maamul-Gobolleedka Puntland Oo Qiimo Gaar Ah U Samaysay Sarrifka Lacagta Dollarka & Xukuumadda Somaliland Oo Ku Daawanaysa Shacabka La Il-daran Duruufaha Is-biirsaday

Boosaaso, 23 Jeeniweri, 2017-(SDN/QJ): – Maamul-gobolleedka Puntland, ayaa go’aan ka gaadhay sarifka lacagta doolarka, kadib kulan ballaadhan oo ka dhacay magaalaada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay maamulka gobolka Bari, Wasiirka maaliyadda Puntland iyo ganacsatada magaalada. Waxaa kulanka lagu go’aamiyay in sarifka lacagta dolarka ah laga dhigo gacanta hore…

Read More