‘’Xisbiga Kulmiye Markuu Mucaaridka ahaa Wuxuu Madaxweyne Rayaale Ku eedayn Jiray Xukuumad Wasiiro Badan,Balse Maanta Waa la arkaa in Tirada Wasiiradu Xadka ka baxday’’ Xildhibaan C.raxmaan Xoog
Hargaysa 09. January 2017 (SDN/QJ):-Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa sheegay in Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale Kaahin Madaxweynaha ka ahaa inay waxyaabo badan kaga wanaagsanayd Xukuumaddan, waxaanu tilmaamay in waxyaabo badan oo ay Xukuumaddan Kulmiye ku dhaliili jirtay Xukuumaddii UDUB,…
