Nuxurka Kulan Madaxtooyadda Ku Dhex Maray Madaxweyne Axmed Siilaanyo & Gudidda Doorashooyinka
Hargaysa 05. January 2017 (SDN/QJ):-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa habeen hore aqalka madaxtooyada kulan kula yeeshay guddiga doorashooyinka qaranka. Kulanka oo aanu wax war ahi ka soo bixin, ayaa warar uu Geeska Afrika helay waxay sheegayaan in guddiga doorashooyinki ugu horayn Madaxweyne Siilaanyo uga warameen halka ay u marayaan hawlihii daabicista kaadhadhka cod bixinta iyo arrimaha…
