“Ninkaygii Wasiirradaa Caloosha Waaweyn Ayuu Lix Boqol Ku Ilaaliyaa, Ubadkaygii Waa Laga Soo Eryey Dugsiga, Xaggeen Geeyaa, Ballan Waxaan Ugu Qaaday Inaan Guriga Siilaanyo Geeyo” …Hooyo Xaliimo
Hargaysa 16. December 2016 (SDN/QJ):- Xaliimo Maxamed Kaahin oo ah Mid ka mid ah haween-weynaha ururka Khudradleyda Iidaan ee Magaalada Hargeysa oo ka hadlaysay mar ay shalay bannaan bax isugu soo baxeen ururkeedaasi oo ay kaga cabanayaan sicir bararka iyo nolol xumada aafaysay shacabka Somaliland muddooyinkii dambe ayaa waxa ay ka sheekaysay dareen dhiillo leh…
