Atans:Mar,10,2015(SDN/QJ)-Waddanka Giriigga, ayaa hanjabaad u diray Dalalka Midowga Yurub, waxana uu sheegay inuu oodda ka qaadi doono Dad badan oo muhaajiriin ah oo haatan dalkiisa ku sugan.
Wasiirka Difaaca ee dalka Giriiga ayaa sheegay in hadii dalalka Midowga Yurub aanay dhanka dhaqaalaha ka taageerin Giriiga inay iridaha u furi doonaan kumanaan kun ee Muhaajiriin, kuwaas oo doonaya inay Galaan Dalalka Midowga Yurub.
Wasiirka Difaaca ee Girigiiga Mr.Panos Kammenos ayaa hanjabaadan kasoo jeediyey shir ay Axadii yeesheen xisbiga talada Giriiga haya.
“Hadii carqalada naga deyn waayaan dalalka Midowga Yurub, waxaana ku khasbanaan doonaa inaan Qaxootiga aan heyno aan siino Baasabooro ay ku tagaan Berlin (Caasimada Germany)….” Ayuu yidhi Wasiirka oo ka digay in Midowga Yurub ay cadaadis dhaqaale saaraan dalka Giriiga.
Wuxuun intaasi sii raaciyayey: “….Way dhici kartaan Qaxootigaasna inay ku dhexjiraan taageerayaasha ISIS, hadii ay Yurub galaana eedeeda waxaa qaadi doona Midowga Yurub…”
Toddobaadkii tagay ayuu Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha ee Giriiga Giannis Panousis uu soo jeediyey hanjabaad tan lamid ah.
Jimcihii lasoo dhaafay ayuu sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibada ee Giriiga Nikos Kotzias sheegay hadii burbur dhaqaale uu ku yimaado dalka Giriiga ay iyaguna dhankooda Wadada u furi doonaan Malaayiin Qaxooti ah inay si fududu ku galaan Midowga Yurub, kuwaasi oo uu sheegay in laga yaabo inay ku jiraan kumanaan argagaxiso ah.
SDN/QJ
