|

Dirir Beeleed ka Curatay Deegaanka Gawsa Weyne ee Gobolka Sool iyo Dhimashada oo Maraysa afar Qof

Laascaanod 12.Jan 2014 (SDN)- Dagaal sababay dhimashada illaa afar qof ayaa saaka ka qarxay deegaanka Doco ee tuulada Gawsaweyne kaasoo ka dhashay nin xalay lagu dillay deegaanka Oog gaar ahaan beesha (Sacad Yoonis) , kaasoo ay dishay beesha Yagoori (Jaamac Siyaad).

056_ONLF rebellionWararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dagaalku si xawli ah u socdo isla markaana ay labada beeloodba wadaan abaabul xoogan hase yeeshee dhulka oo aan isgaadahsiin lahayn darteed illaa hadda lama garanayo khasaaraha rasmiga ee uu keenay.

Afarta qof ee dhimatay ayaa la sheegayaa in ay ka soo kala jeedaan labada beelood oo midkiiba dagaalka uu kaga dhimatay laba qof, waxa kale oo jira dhaawacyo.

Warku Waxa uu Intaas ku darayaa  in Ciidamo gurmad ah oo kala dhex gala labada beelood la dirayey illaa xalay hase yeeshee aanay ku guulaysan saaka in ay kala badbaadiyaan labada Reer.

Laascaanod SDN.

Qurbejoog.com

dagaal sababay dhimashada illaa afar qof ayaa saaka ka qarxay deegaanka Doco ee tuulada Gawsaweyne kaasoo ka dhashay ni xalay lagu dillay deegaanka Oog gaar ahaan beesha (Sacad Yoonis) , kaasoo ay dishay beesha Yagoori (Jaamac Siyaad).

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dagaalku si xawli ah u socdo isla markaana ay labada beeloodba wadaan abaabul xoogan hase yeeshee dhulka oo aan isgaadahsiin lahayn darteed illaa hadda lama garanayo khasaaraha rasmiga ee uu keenay.

Afarta qof ee dhimatay ayaa la sheegayaa in ay ka soo kala jeedaan labada beelood oo midkiiba dagaalka uu kaga dhimatay laba qof, waxa kale oo jira dhaawacyo.

Wariyaha Goboladda Barrie e Waaheen ayaa ku soo waramaya in Ciidamo gurmad ah oo kala dhex gala labada beelood la dirayey illaa xalay hase yeeshee aanay ku guulaysan saaka in ay kala badbaadiyaan labada Reer.

Comments are closed