|

Xuska Dhalashada Ras’uulkeenii Suubanaa ee Muxamed NNKH oo Beri ku Beegan iyo Xukuumada Somaliland oo Fasax Qaran Iclaamisay

Hargaysa 12.Jan 2014 (SDN)- Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada  JSL  ayaa Warsaxaafadeed ay saartay oo nuqul ka midi  uu soo gaadhay  xafiiska Shabakada Qurbejoog.com ee Hargaysa Waxaa lagu sheegay in munaasibada dhalashadii rasuulkeenii suubanaa , naxariis iyo nabad galayo korkiisa ha ahaatee oo ku began maalinta beri oo bisha janaury ay tahay 13   awgeed shaqaalaha somaliland ay fasax ka yihiin shaqooyinka.

SHUGRI XARIIR ISMAACIILWarsaxaafadeedka oo ay ku saxeexantahay  wasiir ku xigeenka wasaraardaasi marwo shukri xariir ismaaciil ayaa lagu sheegay in maalinta isniinta ah ee beri oo taariikhada hijriyadu ay tahay 12 rabiicul awal  sanadka 1435 islamrkaa ku began 13 janaury 2014  in shaqaalaha somaliland ay fasax ka yihiin shaqooyinka islamrkaa wasaaradu ay ku hanbalyeynayso  bulshada somaliland munaasinabada dhalashada rasuulkeenii suubanaa [ scw]

Geesta kale  hayada shaqaalaha dawlada  jsl ayaa iyana soo gaadhsiiysay xafiiska wakaaladda wararka ee solna war saxafadeed kazoo baxay haydaasi kazoo lagu wargalinayo shaqaalaha dawlada in munaasibada dhalashada rasuulkeenii suubanaa awgeed  [csw]  ay maalinta beri ah oo bishu ay tahay 13 janaoury 2014 ay fasax ka yihiin shaqooyinka qaranka , warsaxafadeedkaas oo uu ku saxeexnaa gudoomiyaha hayada shaqaalaha dawlada md nuux sheikh muuse  ducaale isagoo geesta kale ku bogaadiyay  shaqaalaha dawlada munaasibada xuska dhalashada rasuulka   [ N N K H A ].

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed