Uncategorized

“Faanimayno waanu isnaqaanaa Saaxiibadya Axmed Siilaanyo iyo Xirsi waliba qof xil hayaa oo masuuliyadii isagu hayaa inuu dhaartaa dhaqanka Aadamaha waa ka xaaraan.”Muj, Xasan Guure.

Hargeysa:Mar,10,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka, Mujaahid Xasan Guure Jaamac, ayaa maanta jawaab ka Bixiyey Hadallo  uu ku sheegay qaar Hanjabaad ahaa oo dhawaan kasoo yeedhay Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan.

xasan guureMujaahid Xasan Guure oo maanta warbaahinta la Hadlay, ayaa sheegay inuu aqoon buuxda u leeyahay Madaxweynaha oo ay Jabhado soo wada ahayaayeen, sidoo kalena Ay ayaamo kooban jabhad wada ahaayeen Wasiirkiisa Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo haatan uu  hanjabaado ka sheeganayo.

Mudane Guure waxa uu carrabka ku adkeeyey sida loogu baahan yahay ninka  xilka umadda  hayaa uu marwalba dulqaadka u mudan  yahay, waxana isagoo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,

“faanimayno waanu isnaqaanaa Saaxiibadya Axmed Siilaanyo iyo Xirsi  oo dhawr cisho ayaan jabhad wada ahayn, Yeynaan gaadhin inaynu isu dhaarano, waliba qof xil hayaa oo masuuliyadii isagu hayaa inuu dhaartaa dhaqanka Aadamaha waa ka xaaraan. Ninka ay tahay inuu baqdaana waa isaga, anigan xilkaygii isagaa haya, waxana uu iigu tudhayaa Xeerka haddaan ku  qaldamana dhabadeeda ha mariyo.”ayuu yidhi Mudane Xasan Guure.

Waxa  Xusid mudan in Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ah Madaxweynaha haatan ee Somaliland ay muddo dheer duurka kusoo wada jireen Mujaahid Xasan Guure oo ay Maalmo qadhaadh soo wada Mareen, Halka Wasiir Xirsina ay ayaamo kooban wada ahaayeen Jabhad qoryo duurka la gashay  xiligii xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahi.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somaliasaporanews.com