Washington:Mar,10,2015(SDN/QJ)-Madaxweynaha Maraykankanka Obam, ayaa si cadho leh uga Hadlay warqad dhawaan xubno katirsan Aqalka Senate-ka Dalkiisu direen Waddanka Iran.
Warqada ay direen xubnahaasi oo dhammaantood ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ee dalka Mareykanka, ayaa waxaa ku qornaa in heshiis waliba oo dhexmara Mareykanka iyo Iiraan, laga noqon doono marka xafiiska uu baneeyo Obama.
Waxa ay sidoo kale warqada ku qoreen Senatarada in heshiiska Nukliyeerka ee Iiraan iyo Mareykanka aanu aheyn mid ay raali ka yihiin, hadii ay Senatarada Xisbiga Mucaaradka ee Mareykanka yihiin.
Madaxweyne Obama ayaa sheegay in si marka loo fiiriyo ay arrintaasi tahay mid lala yaabo, warqada ay qoreen xubnaha Mucaaradka ka tirsan aanay ahayn mid loo garaabi karo.
Waxa uu sheegay in sidoo kale la yaab tahay in xubno ka tirsan congress-ka ay doonayaan inay la fikir noqdaan qolyaha mayalka adag ee Iran, kuwaas oo doonaya inay labada waddan noqdaan col aan waligood wanaaag dhexmarin.
Ra’iisul Wasaaraha dalka Israel Netanyahu, ayaa hore u sheegay in Iiraan ay tahay cadowga koowaad ee Mareykanka, marka loo eego dhanka Nugliyeerka, balse goor sii horeysay ayaa arintaasi waxaa ku gacan seydhay Madaxweyne Obama.
Madaxweyne Obama ayaa doonaya in dalkiisa heshiis dhanka Nugliyeerka ku saabsan uu la galo dalka Iiraan.
SDN/QJ
