Uncategorized

Xaaska Madaxweynihii hore ee dalka Ivory Coast oo xabsi muddo dheer ah lagu xukumay, maxay tahay sababtu?

Abidjan March, 11, 2015 (SDN)- Xaaska Madaxweynihii hore ee dalka Ivory Coast oo lagu magacaabo Simone Gbagbo, ayaa lagu xukumay xadhig muddo dheer ah, kadib in muddo ah oo dacwaddeedu socotay.

Maxkamad ku taala caasimadda Ivory Coast ee Abidjan, ayaa Salaasadii shalay xukun 20 sannadood oo xabsi ah ku abaalmarisay haweenaydii uu qabay Madaxweynihii hore Mr. Laurent Gbagbo, sababtoo ah doorkii ay ku lahayd rabshadihii ka dhashay doorashadii madaxtinimada ee sannadkii 2010.

Haweenayda Simone Gbagbo, marwadii hore ee qaranka Ivory Coast oo hadda 65-jir ah, waxa lagu helay dambi la xidhiidha mijo-xaabinta amniga qaranka.

Laurent GbagboNinkeeda Laurent Gbagbo, hoggaamiyihii hore ee Ivory Coast, waxa uu hadda dacwad-suge ka yahay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC).

Inka badan 3,000 kun oo qof ayaa ku dhintay qulqulatadaas oo daba socotay doorashadii Madaxweynenimada, kadib markii hoggaamiyihii hore Mr. Gbagbo uu diiday inuu aqbalo in Madaxweynaha hadda, Mr. Alassane Ouattara kaga adkaaday doorashada.

Iyada iyo ninkeedaba, waxa la xidhay sannadkii 2011, kadib markii ay ciidamadu hujuumeen god ay lamaanuhu gabood ka dhigteen, kuna dhuunteen, kaasoo ku yaala badhtamaha caasimadda Abidjan.

Magaaladaas waxay ahayd isla caasimadda haweenaydan Simone Gbagbo mar ugu yeedhi jirtay ‘Haweenayda Birta ah” (Iron Lady), kuna taqaanay khudbadaheedii kululaa, halkaasoo imikana ay xukun ku waajahday.

Waxa lagu eedeeyay inay kharbudaad ku samaysay xasiloonida guud iyo abaabulida xoogo hubaysan oo budhcad ah.

Simone Gbagbo waxay dafirtay tiro markhaatiyo ah, kuwaasoo iyada si shaqsi ah ugu eedeeyay inay hub ugu qaybisay ‘kooxaha dhimashada’ oo ka hawlgalayay caasimadda Abidjan intii lagu gudo jiray shan bilood oo khilaaf ah.

Maxkamaddu waxay si aan kala-hadh lahayn isugu raacday xukun 20 sannadood, kaasoo ah xukunka mijo-xaabinta amniga qaranka.

Dacwaddu waydiistay 10 sannadood oo keliya, laakiin tani waxay ahayd uun eedda ku saabsan kharbudaada xasiloonida guud.

Weriyaha BBC-da qaybteeda dunida la hadasha ee u jooga caasimadda Abidjan, Ali Bamba, wuxuu sheegayaa in go’aanka la shaaciyay saacaddihii hore ee subaxnimadii Salaasada, kadib 8 saacadood oo ay Xeer-beegtida maxkamaddu doodayeen.

Weriyuhu wuxuu intaa ku daray, in haweenayda hore marwada koowaad ee Ivory Coast u ahayd ay ku jirtay xaalad degenaan ah, sidii ay awalba ahayd intii lagu gudojiray maxkamaddaynteeda oo dhan, sida qiyaastii inay sii ogayd waxa [xukunka] imanayaa waxa uu noqonayo.

Inanteeda ay guurkii hore ku dhashay, Marie Antoinette Singleton, waxay qaybta Newsday programme ee BBC-da u sheegtay, in xukunkaasi uu ahaa mid caddaalad-darro ah, sidoo kalena uu astaan u yahay ‘caddaalad siyaasadeed’.

“Waa maxay waxa aad uga baahantahay inaad laban-laabto (xukunka)?. Maaha wax garsoor ku saabsan, waana arrin xoriyad-u-helid cadaawado siyaasadeed uun ah,” ayay tidhi.

“Haddaynu nidhaahdo wax khaldani waa dhacay, labada dhinacba wuu ka dhacay. Ma jiro qof eegay in la xidhiidhiyo dhammaan dhinacyada ka masuulka ah [dhibka dhacay], si loo maxkamadeeyo,” ayay tidhi.

Ivory Coast's former first lady, Simone Gbagbo, was a powerful politician in her own rightSimone Gbagbo qareenkeedu wuxuu sheegay inay racfaan qaadan doonaan. “Waxaan rejaynayay [in] Simone la beri’ yeeli doono,” Ridrigue Dadje ayaa u sheegay qaybta afka Faransiiska ku baxda ee BBC-da. “Ma jiro wax caddayn u ah ku luglahaanshaheeda heer shaqsiyeed…Waan u qajilay nidaamka caddaaladeed [Ivory Coast),” ayuu raaciyay.

Marwadii koowaad ee hore ee Ivory Coast, waxa lala dacweeyay 82 qof oo kale oo taageerayaal u ahaa ninkeeda Laurent Gbabgbo, kuwaasoo 15 ka mid ah wax dambi ah lagu waayay.

Laba hore saraakiil uga ahaa milateriga, xulafana la ahaa ayaa sidoo kale lagu abaalmariyay xadhig 20 sannadood oo xabsi ah midkiiba, kuwaasoo kala ah: Gen. Bruno Dogbo Ble oo mar ahaa madaxa ciidanka Ilaalada Jamhuuriga iyo madaxii hore ee ciidanka Badda dalkaas, Admiral Vagba Faussignaux.

Dhammaan dadka kale ee la eedeeyay, waxa lagu riday xukuno ka hooseeya.

Xukunkeeda ka hor, xaaska Mr. Lauren Gbagbo, waxay sheegtay inay cafiday dacwad-oogeyaasha, iyadoo aan la eegaynin bahdilaad lagula kacay intii dacwaddu socotay.

“Waan cafiyay, sababtoo ah, haddii aanaan cafiyi lahayn, dalkani (Ivory Coast), wuu guban lahaa,” ayay tidhi haweenayda Simone Gbagbo.

Labada dhinacba, waxa lagu eedeeyay falal foolxun oo ay ku kaceen intii uu socday khilaafkii ka yimi doorashadii madaxtinimada dalkaas sannadkii 2010.

Laakiin, weriyaha Ali Bamba wuxuu leeyahay, inkastoo uu jiray balanqaad ka yimi Madaxweyne Alassane Ouattara oo ku saabsan in labada dhinacba ay waajihi doonaan caddaalada, haddana ma jiro qof ku jira xayndaabka Madaxweynaha oo la eedeeyay.

Madaxweynihii hore, Laurent Gbagbo wuxuu waajahayaa afar eedaymood oo u yaala Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee magaceeda loo soo gaabiyo ICC ee ku taala magaalada The Hague ee dalka Netherlands, ayna ka mid yihiin; dil, kufsi iyo tacadi.

Maxkamadda ICC waxay sidoo kale hore u soosaartay waaranka qabasho ee Simone Gbagbo, laakiin taas waxa diiday dawladda Ivory Coast.

Qurbejoog.com