|

Jabuuti oo shir deg deg ah isugu yeertay

Jabuuti January 10, 2024 (QJ) -Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa shir aan caadi ahayn isugu yeedhay Madaxda Urur-goboleedka IGAD, kaas oo lagaga wada hadlay xaaladda gobolka, gaar ahaan heshiiska muranka badan dhaliyey ee Itoobiya iyo Somaliland.

Heshiiskani waxa uu dhigayay in labada dhinac ay ku kala bedelan doonaan dhul badeedka Itoobiya, isla markaana ay Somaliland ku kala bedelan doonaan aqoonsiga.

Kulanka oo la qorsheeyay inuu dhaco 18-ka Janaayo ayaa la filayaa inuu ka qeyb galo Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni.

Arrintaan ayaa loo arkaa mid jawaab u ah hadalkii dhawaan kasoo yeeray dowladda Soomaaliya, kaasoo ku booriyay dalalka IGAD inay isugu yimaadaan shir deg deg ah oo looga hadlayo xiisadda ka dhalatay faragelinta Itoobiya ee arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Dadaalka Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ayaa u muuqda kuwo guulo laga gaarayo, iyagoo taageero iyo hadallo midnimo ka helay dhinacyo kala duwan oo caalami ah, taasoo muujineysa sida ay beesha caalamka uga go’an tahay midnimada Soomaaliya.

Comments are closed