|

Shiinaha oo taageeray midnimada Soomaaliya

Muqdisho January 10, 2024 (QJ) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ku qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Fei Shengchao.

Safiirka Shiinaha ayaa madaxweynaha la wadaagay taageerada dowladda Shiinaha ee ku aaddan madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay taageerada Shiinaha, wuxuuna carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in loo hoggaansamo shuruucda caalamiga ah.

Kulanka dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Safiirka Shiinaha ayaa daba socda hadal ka soo yeeray Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha Mao Ning oo ku celceliyay in Somaliland ay ka mid tahay Soomaaliya, isla markaana ay muhiim tahay in la ilaaliyo midnimada Soomaaliya. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ugu baaqday dalalka Geeska Afrika inay si wanaagsan u maareeyaan arrimaha gobolka.

January 1dii, 2024, waxa heshiis dhex maray Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha xilka ka degaya ee Somaliland Muuse Biixi, in 20 Km oo Badda Cas ah laga kireeyo Itoobiya, beddelkeedana ay Itoobiya sahamin doonto aqoonsiga Somaliland.

Comments are closed