Uncategorized

Madaxweyne Oo Xilka Baanka Dhexe U Magacaabay Masuul Toddobaadyo Ka Hor Kasoo Laabtay Muqdisho Oo Uu Xilal Ka Hayey

Hargeysa:Mar,15,2015(SDN/QJ)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo), ayaa Markale Xil Muhiim ah u magacaabay Masuul dhawaan ka yimi Xamar, isla-markaana xil uu ka Hayey Dhawaan laga caydhiyey.

abdillahiMudane Siilaanyo oo xalay sameeyey Isku-shaandhayn kale oo dhinac ka raran, ayaa Xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Baanka Dhexe, waxana uu ku Beddelay Masuul dhawaan kasoo laabtay xamar oo aan muddo dheerba waddanka joogin.

Cabdilaahi Xaaji Jaamac Cali Oo toddobaadyo ka hor ka yimi Xamar, isla-markaana  isla xilkan oo kale ka hayey Dawladda Federalka Somalia, ayuu madaxweyne Siilaanyo xalay u magacaabay Xilka Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland, iyadoo aan wali la fahmin sababta uu sidaas u yeellay.

Madaxweynuhu cid la talisayba waxa uu markale seeftiisa weydaariyey Dhammaanba wasiirradii Beeshiisa, waxana uu xukuumadda kusoo daray Xubno hore ugu fashilmay giraanta siyaasadda, kuwaas oo haatanna lagu soo daray Golaha wasiirrada.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa tan iyo intii uu xilka qabtay soo dhaweeyey siyaasiyiin fikirka Muqdisho ku caan ahaa, waxana uu beddelay sharci dabar uu ahaa ooh ore loogu dhigay inaanay soo noqon Karin siyaasiyiinta u hanqaltaagga Dhinaca Somalia.

Waxa uu xilal hore ugu dhiibay siyaasiyiin Muqdisho xilal kasoo qabtay oo ay kamid ahaayeen Mudane Sifir oo uu dhiibay safiirka somaliland ee dhinaca Kenya oo uu ilaa iyo haatan hayo.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com