Uncategorized

Sucuudiga Oo Joojiyey Dhuxushii Dalkiisa Loo Dhoofin Jirey Iyo Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somalia Oo Soo Dhaweysay

Muqdisho:Mar,15,2015(SDN/QJ)-Dawladda waddanka Sucuudiga, ayaa si rasmi ah u shaacisay inay joojisay Dhuxushii waddankeeda looga geyn  jirey dhinaca somalia oo dharcidarro ahayd, waxana ay intaas ku dartay inay daryeelayso deegaanka sii baaba’aya.

newHadalka Dalka Sucuudigu ku joojiyey Dhuxushii Somalia uga tegi jirtey, ayaa waxa si weyn usoo dhaweeyey wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somalia, waxana ay tallaabadaas ku Tilmaamtay mid Bogaadin mudan.

Go’aanka Wasaaradda Xannaanada Xooluhu kusoo dhaweysay Tallaabada Sucuudigu ku joojiyey Dhuxusha oo Nuqul kamid ahi soo gaadhay Qurbejoog.com, ayaa u dhignayd sidatan:

Ujeeddo: Soo Dhawayn Go,aanka Dowlada Sacuudi Careebiya ku Joojisay keenista Dalkeeda Dhuxusha.

Waxaa Wasaarada Xanaanada Xoolaha,Dhirta & Daaqa ay uga mahadcelinaysaa Dowlada Sacuudi Careebiya go,aanka Taariikhiga ee ay dhawaan ku gaartay inay Joojisey keenista dalkeeda ee dhuxusha Soomaaliya laga soo gubay,taasoo jawaab u ah dhawaaqyo iyo codsiyo joogto ah oo mar walba Dowlada Soomaaliyeed ay ku doonaysey in la joojiyo dhoofsiga Dhuxusha,waxaa kale oo arintaani ay ka kajawaabaysaa go,aanka Golaha Amaanka No.2182/2014 kaasoo si cad u mamnuucayay dhoofinta dhuxusha Soomaaliyeed.

Wasaarada X.Xoolaha Dhirta & Daaqa waxay rajaynaysaa in talaabada Dowlada Sucuudiga iyo Rugaheeda Ganacsiga ay gaareen inuu horseedi doono talaabooyin kale oo waxtar u leh iskaashiga labada dal iyo umadood ee walaalaha ah,Sacuudiga waa dalka ugu weyn ee Loo iibgeeyo xoolaha Soomaaliyeed talaabadaani waxay wax weyn ka tari doontaa tayada xoolaha Soomaaliyed ee Dibada u dhoofaya.

Waxaan mar labaad uga mahad celinaynaa Dowlada Sacuudiga Gaar ahaan Wasaarada Ganacsiga iyo Rugaha Ganacsiga iyo dhamaan Wasaaradaha ku shaqada leh Go,aankan oo qayb kah talaabooyinka loogu adeegayo labada shacab iyo Umadood ee Walaalaha ah.

Wasaarada Xanaanada Xoolaha,Dhirta & Daaqa waxay ugu baaqaysaa shacabka Soomaaliyeed in loo wada istaago dhowrista dhirta iyo Daaqa si loo ilaaaliyo mustaqbalka dadka iyo Duunyada ku nool gayiga Soomaaliyeed.

 

Mahadsanidin

 

Siciid Xuseen Ciid

Wasiirka Wasaaradda X. X. Dh &

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com