|

Mareykanka oo u digay shaqaalihiisa ku sigan Soomaaliya

Nairobi April 08, 2024(QJ) -Safaaradda Mareykanka ee magaalada Nairobi ayaa soo saartay digniin ku saabsan weeraro argagixiso oo lala beegsado qeybaha kala duwan ee magaalada Muqdisho.

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay inay heleen xogo sirdoon oo lagu kalsoonaan karo oo muujinaya in weeraro Argagixiso ay ka dhici karaan magaalada Muqdisho, gaar ahaan goobaha muhiimka ah sida Garoonaka Diyaaradaha ee Aadan Cade iyo Goobaha kale ee ay ku badan yihiin Reer Galbeedka iyo Bulshada.

Safaaradda Mareykanka ee Nairobi, ayaa digniinteeda dhanka ammaanka ah, waxay sidoo kale ku wargelisay shaqaalaheeda inay socdaalin maalinta Arbacada, oo ku beegan 9-ka bishan April.

Sidoo kale, Saraakiisha Mareykanka ayaa lagula taliyay inaysan u safrin Somalia.

Safaaradda Mareykanka ayaa ka digtay in weerarrada ay ku lug yeelan karaan adeegsiga qaraxyo, rasaas, qaraxyo, iyo afduub.

Dhinaca kale, Dowladda Federalka Somalia ma aysan soo hadal qaadin Khatar amni oo gaar ah oo dalka ku soo wajahan.

Leave a Reply