|

Soomaaliya oo ka digtay xaalufinta kheyradka Badda

Muqdisho April 07, 2024 (QJ) -Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin culus u dirtay dhammaan maraakiibta iyo shirkadaha shisheeye ee ku howlan ka faa’iideysiga kheyraadka badda Soomaaliya.

Digniintan ayaa xooga saaraysa in la dhaqan geliyo sharciga Maareynta iyo Horumarinta kalluumeysiga Soomaaliyeed, kaasoo qeexaya hababka la ansixiyay ee ka faa’iidaysiga badaha sida uu sharcigu qabo.

Wasaaraddu waxay si adag u sheegtay in aan loo dulqaadan doonin hab-dhaqan kasta oo looga faa’iidaysto oo ka soo horjeeda sharciga, haddii ay falalkaasi dhacaanna ay ka dhalan karaan cawaaqib xumo xagga sharciga ah.

Wasaaraddu waxay kula dardaarantay dhammaan dhinacyada ay khusayso digniintan inay ka soo baxaan waajibaadka ka saaran ilaalinta kheyraadka badeena, loogana faa’iidaysto hab waara oo faa’iido u leh labada dhinac.

Leave a Reply