|

Midawga Yurub oo ka digtay khtata Burcad Badeeda Soomaalida

Rota May 06, 2024 (QJ) -Warbixin ku saabsan khatarta burcadbadeedda badda Soomaaliya oo uu soo saaray howlgalka ciidamada badda ee Midowga Yurub ee ATALANTA ayaa lagu sheegay in bilihii lasoo dhaafay ay aad u kordheen falalka burcadbadeedda.

Midowga Yurub ayaa sheegay in weerarrada burcadbadeedda ay dib u billaabeen si tartiib-tartiib ah, iyagoo doonaya inay u adeegsadaan inay weerarro ka geystaan meel 600-mayl-badeed u jirta xeebaha Soomaaliya.

“Inkasta oo bilihii la soo dhaafay aysan dhicin falal la xiriira budhcad-badeednimada, haddana bixinta madaxfurasho waxay abuuri kartaa mowjado cusub oo burcad badeednimo ah,” ayuu yiri EU NAVFOR ATALANTA.

Hawlgallada ATALANTA ayaa saadalinya in ugu yaraan laba kooxood oo burcad-badeed ah laga yaabo inay ku fikiraan inay beegsadaan biyaha Soomaaliya, iyagoo diyaarinaya weerarro lagu qaado maraakiibta ganacsiga.

Ciidamada badda ee Yurub ayaa ku nuuxnuuxsaday in weerarada budhcad-badeeddu ay yihiin khatar jirta oo dhici karta wakhti kasta. Waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in maraakiibta ka howlgala badweynta Hindiya iyo gacanka Cadmeed, xaalada la socdaan, gaar ahaan kuwa u jira 700 mayl-badeed ee xeebaha Soomaaliya, si kor loogu qaado tallaabooyinka ammaanka.

Bishii March ee sanadkan, Markab laga leeyahay dalka Bangaladesh ayaa la sheegay in lagu soo furtay lacag madax furasho ah oo gaareysa 5 milyan oo dollar, taasi oo noqoneysa madaxfurashadii lacageed oo markab lagu soo furto mudo ka badan 10-sano.

Leave a Reply