|

RW Xamse oo Nairobi Gaaray

Nairobi May 06, 2024 (QJ) -Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa safarkiisii ugu horreeyay ee rasmi ah ku tagay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, tan iyo markii loo magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha June 2022.

Xamza ayaa soo casuumad rasmi ah ka helay madaxweynaha Kenya, William Ruto, oo ay wada hadal ku yeelan doonaan magaalada Nairobi.

Ujeedka socdaalka wafdigan ayaa ah sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga labada dal, sida lagu sheegay war-saxaafadeed wadajir ah oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Wararka ayaa sheegaya in safarka Ra’iisul Wasaare Xamza uu diiradda saarayo sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal iyo iskaashiga difaaca iyo amniga ee labada dal.

Sidoo kale, waxaa laga wada-hadli doonaa arrimaha gaadiidka, ganacsiga, maalgashiga, horumarinta tayada adeegyada bulshada, iyo guud ahaan horumarinta dhaqan-dhaqaale ee labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo tan iyo markii xilka loo doortay dhowr jeer booqasho ku tagey magaalada Nairobi ayaa sidoo kale heshiisyo kala duwan la saxiixday dhiggiisa Kenya, William Ruto.

Leave a Reply