Hargeysa:Mar,08,2015(SDN/QJ)-Wasiirka Boostaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal, kaftan siyaasadeed faray Guddoomiyaha cudub ee Hay’adda Shaqaalaha Dalka Prof. Maxamed Maxille Boqorre.
Wasiirka ayaa madashii uu masuulkan oo ay isku beel yihiin Xilka kula wareegayey ka Hadlay, ayaa madashaas ka jeediyey hadallo duurxul ah oo uu ugu talo galay inuu shacabka Reer Awdal ku hogo-tusaaleeyo.
Maxamed Jaamac Abgaal waxa uu isagoo kaftaya tilmaamay inay Awdal ahaan u in xilka Guddoomiyaha Hay’adaha shaqaalaha Madaxweynuhu ugu talogalay in lagu daaweeye tabashadoodii, waxana uu si cad u sheegay inay ka dhaansan doonaan Dhiilahooda Madhan,
“Waxan Isleeyahay intii sax ahna dhex wixii kaftan ah eek a suurto galena dhex, waxana aan leeyahay Mixille Boqorrow Tolkeen waxay leeyihiin Madaxweynihii Tabashadii wuu inaga aqbalayoo wuxuu noo dhiibay Ha’yaddii Shaqaalaha. Waxan leeyahay Dabaduu u qabanayaa oo sanadkoo dhan la iscawri maayo oo dadkuna way inoo dulqaadanayaan, Haddii ay dhacdana Tolka laftiisu Caddaalad buu u baahan doonaa” ayuu yidhi Wasiir Maxamed Jaamac Abgaal.
Mudane Abgaal ayaa ugu dambayntii faray Guddoomiyaha Ha’yada Shaqaalaha inuu caddaaladda ogaado oo uu daryeelo Shaqaalaha kala duwan ee Waddanka.
SDN/QJ
