Uncategorized

“Reer Awdal Haddii ay Tabasho lahaayeen iyo Haddii aanay Lahaynba Adigaa Wasiir ahaa oo iga Horreeyey, Reer Somaliland iyo xukuumaddaba waxan u sheegayaa inaan K…..” Prof. Boqorre

Hargeysa:Mar,08,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Cusub ee Ha’yada Shaqaalaha DawladdaProf. Maxamed Mixille Boqorre, ayaa Maanta iska difaacay Hadallo kaftan ah oo kaga yimi wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal, kuwaas oo salka ku hayey inuu si gaar ah u ogaado Shacabka Reer Awdal ee uu deegaan ahaan kasoo jeedo.

boqorreProf. Boqorre oo maanta la wareegay Guddoomiyenimada Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, ayaa sheegay inuu si rasmi ah ugu dhaqmi doono Caddaaladda, waxana uu Wasiirka u sheegay in Haddii Tabashada Reer Awdal wax laga qabanayo uu wasiirku muddo  xil hayey,

“Reer Awdal Haddii ay Tabasho lahaayeen iyo Haddii aanay Lahaynba Adigaa Wasiir ahaa oo iga Horreeyey, aniguse laba walaal baan leeyahahay, waana Daacadnimo iy caddaalad. Sharciga iyo caddaaladda ayaan ku dhaqayaa   Shaqaalaha Dawladda, Reer Somaliland iyo xukuumaddaba waxan u sheegayaa inaan wax kale la iila iman.yaan wax la ila soo hoosgelin, oday yar oo wax la ordayana mid aqbalaya ma ihi” ayuu yidhi Mudane Boqorre.

Maxamed Mixille Boqorre oo muddo soo ahaa Guddoomiyaha Machadka Shaqaalaha, ayaa haatan noqday Guddoomiyaha Ha’yadda Shaqaalaha Dawladda, waxana la filayaa inuu halkaas ka qaban doono shaqo keeni karta in da’yar badani hesho shaqooyinkii looga Baahnaa.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com