|

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Cisbitaalka iyo Guryahooda Ku Soo Booqday Taageerayaal Ka Tirsan Xisbigaasi oo Xaalad Caafimaad u Jiifa DAAWO

Hargaysa 07. September 2017 (SDN/QJ):- Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr/Xaaji Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka dib soo laabashadiisii safarkii uu ugu maqnaa dalka dibaddiisa iyo gudashada waajibaadka Xajka, waxa uu guryahooda iyo weli ba Cisbitaalo ku yaala gudaha Hargeysa ba uu ku soo booqday dad u jiifa xaalad caafimaad oo ka mid ah taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.

Murashax Cirro oo booqashadiisan ay ku wehelinaayeen Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka WADDANI iyo weli ba sida oo kale saraakiil ka tirsan Xisbigaasi, ayaa ugu horreyn Alle uga bareyey dadkaasi bukaanka ah in uu ka dulqaado xanuunka isla mar ahaantaana uu ugu bedalo caafimaad sareecan ah.

Comments are closed