|

Somaliland:Sagaal Qof oo Galabta & Caawa ku kala Geeriyooday Gobolada Awdal Iyo Saaxil kadib shilal ka dhashay Danab Roob iyo Mid gaadiid!!

Hargaysa 07. September 2017 (SDN/QJ):-Ilaa Shan ruux ayaa Geeriyooday Laba kalena way ku dhaawacmeen Kadib Markii uu Galabta Roob Xoogan oo danab iyo dabayl wataa uu ka Da’ay Deegaano ka Tirsan Gobolka Awdal.

Roob xoogan oo Mahiigan ah ayaa galabta ka da’ay Jiido badan oo ka tirsan Gobolka Awdal Warku waxa uu sheegayaa in Tuulada Xoorey ee degmada baki ay ku dhinteen laba caruur ah iyo hooyadood halka mid kalena uu soo gaadhay dhaawac ka dhashay Danab ku dhacay, waxaana arrintan noo xaqiijiyey xoghayaha dawlada hoose ee degmada baki Yaasiin Nuur Diiriye Ursad.

Xoghayaha dawlada hoose ee degmada Baki Wuxuu intaas ku daray in deegaanka Lagu Magacaabo Dheen ee degmada baki uu sadex qof ku dhacay danab Isla markaana ay laba ruux dhinteen halka mid kalena uu dhaawac yahay.

Xoghayaha waxa uu intaas ku daray inay Jiraan deegaano kale oo danabku ku dhacay laakiinse aanay ilaa hada ogayn khasaaraha uu gaystay.

Geesta kale Shilkii gaadhi oo ka dhacay Gobolka Saaxil gaar ahaan jidka dawga ayaa waxaa ku naf waayay 4 Ruux halka ay 11 Kalena dhaawacyo ka soo gaadheen.

Comments are closed