|

Sannad Guuradii 1aad ee Aasaaska Jaamacada Umulisonimada ee Edna Aadan oo Hargaysa lagu qabtay

Hargaysa 23.Dec 2013 (SDN)- AGaasimaha  Tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashadda iyo taclinta sare Md :KHadar Axmed Diiriye ayaa  Ka qayb galay xaflad loo sameeyey sanad guurada aas aaskii jaamacadda adna Aadan university oo Lagu qabtay  magaaladda Hargaysa.

edna hospitalAGaasimaha Tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare oo ka hadlay xafadaasi ayaa ka waramay faaiidada barashada qof ahaan iyo bulsho ahanba ay leedahay  ,waxaanu tilmaamay in jaamacadahu ka mid yihiin goobaha waxbarasho ee aqoonta sare laga kasbado , waxaana Agaasimaha guud  uu ku tilmaamay Dr. Adna aadan  qof bolshada dhexdeeda ku leh xishmad iyo qadarin, isagoo ku tilmaamay jaamacadan caafimaadka ee  Adna Aadan mid wax ka taraysa baahida  adeega caafimaad ee bulshada.

Dr.Adna Aadan ismaacil oo ah  aasaasaha  jaamacadan ayaa kawarantay maraaxilkii ay usoo martay  hirgalinta  jaamacadani,waxaanay tilmaantay inay si gaara ugu faanayso ardaydii ka qalin jabisay jaamacadeeda, iyada oo  xustay in ardayga ku guulaysata kaalinta koowaad ee jaamacadaasi uu heli doono waxbarasho lacag la’aan ah mudada dambe.

Gudoomiyaha jaamacadda Adna Aadan university Roda Cali iyo abwaan Maxamed Aadan Dacar ayaa  iyaguna si qoto dheer uga waramay Aafada Tahriibka ,waxaanay usoo jeediyeen dhalinyarada dalka  inay ka feejignaadaan  khatarta Tahtiibta.

Abwaan maxamed aadandacar oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ardayda jaamacada Edna ugu baaqay in ayku dedaalaan sidii ay cilmigooda u sii korodhsan lahaayeen.

Soomaalida ayaa horeu tidhi nimaan dhul marin dhaayo la?, anaga ayaa soo marnay dhul badan, waxaaad arkaysaa dad ah kuwii dalka u dhashay oo dawarsanaya kuwii muhaajiriinta ah.

Waxa aan dhalinyarooyidinku boorinayaa in aad dalkiina wax tartaan waayo halkan baad wax ubaranaysaan oo la idiin barayaa ee sidaas u ogaada? ayuu yidhi Abwaan MaxamedAadan Dacar.

Dhinaca kale MarwoEdna Aadan Ismaaciil oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay in ay farxadgelinayso in ay goob joog u noqoto jaamacada Edna University oo u dabaaldegaysa sanad Guuradeedii Koowaad, Waxaanay tidhi

1991-kii ayaa diyaaradaan u soo raacay Magaalada Hargeysa, waxaana amar lagu siiyay bayloodkiidiyaaradaasi nagu waday in aanu mishiinka bakhtiinin marka uu soo gaadhoGaroonka Hargeysa, waanu soo gaadhnay garoonkii Hargeysa, waxaanan u nimidgodad, taayiro iyo waliba qashin meesha yaala, ismaan lahayn garoonkaas ayaadib loo soo fadhiisan doonaa isaga oo qurux badan.

Askari keliya ayaameesha taagnaa, waanan u imid oo waan u yeedhay, waxa aan ku idhi gaadhiMagaaladda na gaadhsiiyaa ma joogaa, dabadeedna waxa uu igu yidhi gaadhiganwaxa leh ina bootaan.

Waxa aan ku idhi iiguyeedh, wiilkii gaadhiga waday ayaan ku idhi edo Hargeysa in aad na geyso ayaandoonayaa, waxa uu nagu yidhi wabaan tagi lahayne shiidaal baan ku jirin oohadii aan iminka ku geeyo hadhaw baanan haysan wax aan ku soo laabto.

Waxa aan ku idhianiga ayaa kuu buuxinaya gaadhiga shiidaalkiisa, dabadeedna wiilkii ayaa yidhigaadhiga shidhkiisu idin ma qaadayo ee dumarkuna ha fuulaan shidka, raggunadusha ha u baxaan.

Sidaas ayaanu ku soogalnay Magaalada Hargeysa, waxaanan soo galnay xaruntii Moorgan oo markaa ahaydmadaxtooyada, hawlihiina sidaas ayaanu ku galnay, waxaanan dib ugu laabtaydalka Djabouti oo aan wakhtigaasi fadhiyay? ayay tidhi.

Dhinaca kale waxa ayxustay in ay farxad weyn u tahay in ay jaamacada Edna maanta u dabaal degtosanad guuradeedii Koowaad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay, waxaanaytidhi ?Waan faraxsanahay runtiina wax aan aad ugu faraxsanahay in midhihiijaamacada Edna aan maanta indhaha saaro, aniga idinka ayaa ii farxad ah eededaala, qalinka iyo idinku waa in aad saaxiibo noqotaan.

Naxdintii aanmaalintaasi 1991-kii arkay waxa iga fujinaysa Farxadan maanta aan arko? ayaytidhi.

Agaasimaha Tacliintasare ee Somaliland Khaddar Axmed Diiriyeoo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi?Horta jaamacadi hadii aan laga helin saddex shay, jaamacad maaha, ta koowaadwaa waxbarashada iyo sida ay wax u soo saaraan.

Ta labaad jaamacduwaxa ay caawisaa bulshada, ta saddexaad waa sida ay jaamacadaasi u soobandhigto baadhitaankeeda.

Hadii aanu nahayWasaarada Waxbarashada Somaliland Jaamacada Edna waxa aanu u haynaa qiime wayn,waxaanan idiin balanqaadayaa in aan ka wasaarad ahaanu idin barbar taagnaandoono hadii alle idmo.

Jaamacadan Edna waxaaan qabaa in afarta sano ee soo socota ay noqon doonto mid horumar balaadhan kutalaabsata? ayuu hadalkiisa ku soo gabogabeeyay.

gabogabadii xafladaasi waxa  lagu soo bandhigay filim documentary ah oo ka hadlaya waxyeelada tahriibka iyo  saamaynta uu ku yeeshay dhalinta.

D u_119337d_2013-12-22-17-40-44f_ad2 u_119337d_2013-12-22-17-42-18f_ad3 u_119337d_2013-12-22-17-55-47f_ad4 u_119337d_2013-12-22-17-57-55f_ad5 u_119337d_2013-12-22-17-59-16f_ad6

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed