|

Somaliland oo u digtay ciidanka badda Turkiga

Hargeysa May 06, 2024 (QJ) -Wasiirka arrimaha dibadda Jamhuuriyadda iskeed isku magacawday ee Somaliland, Dr. Ciise Keyd Maxamuud, oo waraysi gaar ah siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in Turkiga lagu wargeliyay inaanay iman karin biyaha Somaliland.

Wasiirka ayaa sidaasi ku sheegay mar uu ka hadlayay heshiiska difaaca badda ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in meel gaba gabo ah uu marayo dhaqan gelinta heshiiskii Badda Cas ee u dhaxeeyay iyaga iyo dowladda Itoobiya.

Heshiiskii muranka dhaliyay ayaa dhigayay in Somaliland ay Itoobiya siiso Somaliland aqoonsi buuxa, halka dawladda Itoobiyana ay Somaliland ka kiraysanayso saldhig ciidan oo badda ah.

Heshiiska ayaa sababay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay dib u eegis ku sameyso xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Sidoo kale, dalal iyo hay’adaha caalamiga ah ayaa cambaareeyay falkaas, iyagoo soo saaray bayaanno ay ku adkeynayaan muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Hase-yeeshee, wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Ciise Keyd Maxamuud, ayaa sheegay in eedaymahaasi yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana ay ka go’an tahay sidii Somaliland loo aqoonsan lahaa si kasta oo suurtogal ah.

Leave a Reply