|

Soomaaliya iyo Suucuudiga oo heshiis dhinacyo badan kala sexeexday

Riyadh April 07, 2024 (QJ) -Dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si wadajir ah u soo saaray war saxaafadeed dhinacyo badan taabanaya kadib kulankii dhexmaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan.

Labada hoggaamiye ayaa dib u eegis ku sameeyay xiriirka labada dal, waxaana ay ka wadahadleen sidii kor loogu qaadi lahaa, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray xaaladda guud ee gobolka iyo ka caalamka.

Labada dhinacba waxay ku nuuxnuuxsadeen muhiimadda ay leedahay in la kobciyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah si kor loogu qaado kobaca dhaqaalaha.

Soomaaliya iyo Sacuudiga waxay xaqiijiyeen inay ka go’an tahay taageerida go’aankii ka soo baxay shir-madaxeedka Jaamacadda Carabta ee qabsoomay 1/17/2024, kaasoo lagu taageerayo amniga, xasilloonida, midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay soo dhoweynta diiran ee ay isaga iyo wafdigiisa u sameeyeen Boqor Salmaan Bin C/casiis iyo dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Dhan kale, Amiir Maxamed Bin Salmaan ayaa muujiyay taageerada xooggan ee uu u hayo Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna u rajeeyay shacabka Soomaaliyeed nabad, horumar, iyo barwaaqo.

Leave a Reply