|

Wasiiro cusub oo lagu biiriyay gollaha Xukuumada Federalka

Muqdishu April 07, 2024 (QJ) -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta ku dhawaaqay magacaabista Wasiiro cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirada uu magacaabay Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa isugu jira xubno hore oo xilal loo magacaabay iyo wasiiro cusub oo bedelay kuwii hore ee xilka ka degay.

Axmed Macalin Fiqi Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, halka Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka & Dib u heshiisiinta loo magacaabay Cali Yuusuf Cali Xoosh.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa magacaabay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Amniga Soomaaliya, Senator General C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale u magacaabay C/llaahi Bidhaan Warsame Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, halka Maxamed Aadan Macalin uu u magacaabay Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cabdi Barre, ayaa Axmed Cumar Maxamed u magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada.

Leave a Reply