Kulankii u horeeyay ee ay yeesheen 17 Xildhibaan ee Golaha Deegaanka Saylac iyo Weedhihii Mas’uuliyiinta
Hargaysa 17.Jan.(SDN) Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur oo ay Weheliso Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa maanta kulansiiyay Todoba iyo Tobanka Mudane ee Golaha Deegaanka Degmada Saylac ka kooban tahay. Kulankan oo sida Warku Sheegayo ka qabsoomay goob ka baxsan Xarunta Dawlada hoose…
